Allbanaadir.com
NEWS

RSF oo lagu jabiyay dagaalka ka socda Sudan iyo milatariga oo taageero badan helay

Ciidamada RSF ee dagaalka kula jira milatariga Sudan ayaa lagu burburiyay dagaalka ka socda dalkaaso, waxayna RSF ku dhowyihiin inay si dhammeystiran uga baxaan magaalada Khartuum, taa oo gaarsiinaysa guushii u sarreysay ciidanka militariga Suudaan ee hadda ku sugan koonfurta iyo koonfur-bari Khartuum, kaddib markii aya dhawaan la wareegeen caasimadda gobolka Jasiira.

RSF, waxay u muuqataa inay qaadatay siyaasad dib u gurasho, iyagoo hadda la arkayo inay aag difaac u adeegsan doonaan aagga warshadaha ee Giad oo 80 km koonfurta uga beegan Khartuum.

Waxaa hoos u dhacday taageerradii ay heli jirtay RSF, halka militariga Suudaan ay kaalmo militari ka heleen; Ruushka, Turkiga , Sacuudiga , Masar iyo Iran , taa oo xoojisay awoodooda militari ee ay ku burburinayaan saldhigyada militari ee RSf oo ay u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada milatariga dalka Sudan iyo kooxda RSF ayaa galaya sannadkii labaad, waxa uuna dagaalkan sababay dhimashada dad badan oo shacab ah iyo barakac iyo burbur baahsan.

Related posts

Waa sidee Maanta xaalada Laascaanood oo ay dagaalo ka socdeen maalmahan

Caydiid Ali

RW Rooble oo ku dhawaaqay liiska golihiisa cusub ee wasiirada (Akhriso Magacyada)

Caydiid Ali

Wasiir Fiqi oo Shaaciyay in isbeddel uu ku samayn doono qaab-dhismeedka maamul iyo hannaanka…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---