Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa fashiliyay qarax nuuca miinada dhulka la galiyo ah, kaa oo la doonayay in lagu dhibaateeyo dad shacab ah oo ku sugan suuq kuyaalla magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.
Qaraxan miino ay ciidamada fashiliyeen la galiyay suuq kuyaalla magaalada Xudur, halkaas oo la sheegay in ay ku badan yihiin dadka shacabka ah, waxa ayna ciidamada heleen xogta qaraxana suuqa la galiyay kuna guuleesteen in ay fashiliyaan.
Ciidamada ammaanka ayaana daqiiqado xiray aagga suuqa qaraxa miino la galiyay, waxa ayna ciidamada u mahadciliyeen dadkii lasoo waaday xogta qaraxan miino oo ay sheegeen in Al Shabaab doonayeen in shacabka ku dhibaateeyaan.
Qaraxyo miino ayaa marar badan ka dhacay suuqyo, maqaayado iyo goobo ay shacabka ku badan yihiin, waxaana qaraxyadaasi inta badan waxyeelo kasoo gaartaa dadka shacabka ah ee ku badan halka miinooyinka la galiyo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com