Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya iyo Israa’iil oo heshiisyo iskaashi kala saxiixday

Wasiirka Tamarka maamulka Israa’iil Eli Cohen, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, waxa uuna halkaasi heshiis iskaashi oo dhinacyo kala duwan ah la saxiixday dhigiisa dalka Itoobiya.

Labada Wasiir ee Itoobiya iyo Israa’iil ayaa kala  saxiixday heshiis iskaashi ah ee dhinacyada khayraadka biyaha iyo horumarinta mashaariicda oo ay ku jiraan sahaminta iyo soo saarista biyaha dhulka hoostiisa ku jira, tignoolajiyada lagu daweeyo biyaha wasakhaysan, iyo horumarinta tamarta la cusboonaysiin karo.

Wasiirka Tamarka maamulka Israa’iil Eli Cohen, ayaa u ballanqaaday dowladda Itoobiya in ay ka taageeri doonaan horumarinta tamarta , waxa uu sidoo kale ballanqaaday in Itoobiya siin doonaan tababaro la xariira dhinaca horumarinta tamarta iyo biyaha.

Heshiisyadan ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Israa’iil , ayaa dhammaan ah kuwa ay Israa’iil ku caawineyso dowladda Itoobiya, lamana shaacin waxa ay Itoobiya ku baddelaneyso heshiisyadan oo ay siineyso dhinaca Israa’iil.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo isku Shaandheyn ku sameeyay Golaha Wasiirrada xubno cusubna magacaabay

Cabdi Cade

Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Sheekh Shariif oo kulan Xasaasi ah yeeshay (Sawirro)

Cabdi Cade

Israel oo qiratay in askar 70 kun ka badan ay kaga naafoobeen dagaalka Gaza

Caydiid Ali
Taboola Ads ---