Allbanaadir.com
NEWS

Jubbaland oo eedeyn culus u jeedisay Dowladda iyo Xasan Sheekh

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Jubbaland ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ay mas’uul ka yihiin dagaalkii lagu Soo qaaday 5-tii February 2025 Maamulka iyo Shacabka Degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dagaalkaas ayaa sababay khasaare nafeed, dhaawacyo, iyo burbur hantiyeed, iyadoo maamulka Jubbaland ay ku Canbaareysay kooxdaas inay maslaxadooda siyaasadeed ku xalaaleeyeen dhiigga shacabka.

Wasaaradda ayaa sido kale ka digtay in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay rabaa in markale ay dhiig ku daadiyaan dagmooyinka Belad-xaawo iyo Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Related posts

Liiska Xildhibaanada kamid noqonaya Baarlamaanka cusub ee Galmudug oo la diyaariyay

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo hawada ka celiyay Diyaarada Itoobiya Airline oo kusii jeeday…

Cabdi Cade

Jen. Xijaar oo qodobo xasaasi ah kala hadlay Saraakiisha Ciidanka Booliska (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---