Allbanaadir.com
NEWS

Trump oo ka fikiraya in shacabka Gaza uu u raro Somalia & dalal kale

Wargeyska Israa’iil ee The Jerusalem Post iyo telefishinnada Israa’iil ee Channel 12 iyo N12 ayaa ku warramay inuu Trump doonayo Falastiiniyiinta uu ka masaafurinayo Qasa inuu geeyo meelo ay ka mid yihiin, Somaliland, Puntland iyo dalka Marooko, iyadoo warbixinnada ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil lagu sheegay inay jirto baahi ay u qabaan goobahan la doortay taageerrada Mareykanka, sida inay Somaliland doonayso madax bannaani, halka Marooko ay rabto in loo aqoonsado gobolka saxaraha waqooyi.

Sidoo Kale Shabakad warar oo ka soo baxda magaalada Ramallah ee dhulka la heysto ee Falastiiniyiinta , ayaa ku warrantay goobaha uu ku fakarayo Trump inuu dejiyo Falastiiniyiinta laga soo barakicinayo marinka Qasa inay ku jiraan Soomaaliya iyo Marooko, balse shabakadan Sawt El Ghad, ma sheegiN isha ay ka xaqiijiyeen.

Trump wuxuu eeganaya dalalka u nugul cadaadiskiisa. Wuxuu dib inoo xasuusinayaa warkan horey inuu Trump heshiis ula galay Suudaan muddo xileedkiisii hore, heshiiska wuxuu dhigayay inay Suudaan dib u dejin u sameyso xubnaha Xamaas ee laga masaafurinayo dhulka Falastiin oo ay ku jiraan, kuwa xabsiyad lagu hayo, way oggolaatay Suudaan waqtigaa heshiiska oo sidoo kale qeyb ka ahayd inay xiriir diblomaasiyadeed la sameeyaan Israa’iil oo ay ku beddelanayaan miisaaniyad dhaqaale oo joogta ah, balse qorshaha waxa burburiyay iyadoo xataa wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil uu tagay Khartuum dagaalka wali socda ee Suudaan.

Wax walba oo ku saabsan qorshaha barakicinta Falastiiniyiin, waa mid illaa hadda ku eg afka Trump oo ugu yaraan suuragal ma aha dhammaan Falastiiniyiinta inuu ka soo saaro Qasa, laakin waxaa jiri kara inay fulaan qorshayaal kale oo ay wali faa’iido ugu jirto Israa’iil oo u fududeynaya qorshaha mustaqbalka ee qabsashada Qasa

Related posts

Wasiirka Arrimaha dibeda Masar oo ku soo wajahan Muqdisho

Caydiid Ali

Ruushka oo diyaarsaday liiska dad uu leynayo marka uu qabsado dalka Ukraine

Caydiid Ali

Kumandoska Danab oo wacdaro ka dhigay dhoolatus caalami ah oo Kenya ka dhacay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---