Allbanaadir.com
NEWS

Maxay Daacish safka hore ee dagaalka u keentay ajaaniibta?

Warbaahinta Puntland oo telefishinka Puntland Tv uu ku jiro,waxay soo bandhigeen ku dhawaad 50 dagaallamayaal ajaaniib ah in Daacish looga dilay dagaal adag oo waqti badan socday, kaasoo ciidanka Puntland ay shalay la galeen kooxda Daacish.

Ciidanka Puntland waxay awoodeen inay gaaraan goobo muhiim ah oo istiraatijiyad u leh dagaalka, balse dagaalka shalay wuxuu qaadan karaa inuu yahay midkii ugu adkaa illaa hadda oo ciidanka Puntland iyo ciidan Soomaali ah la galayaan dagaallamayaal ajanabi ah , marka loo eego waqti iyo khasaaraha dagaal ka dhashay. Dhimashada badan ee dagaallamayaasha ajanabiga  ayaase dib usoo celisay , in la is waydiiyo sababta ay kooxdan safka hore u keenayso ajaaniibta u badan Carabta?

Waxay tani la xiriirtaa istiraatijiyada dagaal ee Daacish ay doonayso inay kala hortagto ciidanka Puntland , mid ka mid ah sababta dhalinaysa Daacish inay safka hore keento ajaaniibta waxaa lagu macnayn karaa , inay Daacish ku fakartay inay kala hortagaan howlgalka adkaysi iyo cid waqti dheer dagaallami karta oo aan doonayn inay dib u laabtaan, iyadoo xulashada ay ku jirto khibrada dagaal ee dagaallamayaasha ay leeyihiin, si aad u fahanto ; kooxdan waxay xaddidaysa waqti hore in khayraadkeeda kaga lumo dagaalka, xubin kasta oo laga dilayo wuxuu lumiyay boos iyo xataa hubkiisa ,taasi waxay ku riixeysaa inay marka hore kala hortagaan dagaal habab ay ku joojin karaan oo ay ku jirto dagaallamayaal hilba diriraya oo u arkaya inay jidka ugu saxsan u tahay dhimashada iyo ka hortagga ciidanka! Waxaa laga arkaya sawirrada la soo bandhigay inaysan ajaaniibtu sidan wax isgaarsiin ah, waxay calaamad u tahay inuusan soo noqon illaa askariga u dambeeya uu dilayo, taa haddii aysan dhicin  waa inuu dhintaa, ama waxa laga fogaanaya tixraac.

Arrinta kale ee la soo bandhigo karo , waa inay Daacish doonayso inay waqti hore kala hortagto ciidanka Puntland dagaalyahanno khibrad dagaalka  u leh oo awoodda inay gaarsiiyaan ciidanka khasaare badan , tan oo laga raadinayo in lagu soo bandhigo wajiga hore ee dagaalka waxyaabo qasbaya in dagaalka la hakiyo , sidan haddii ay u fakaraan iyadoo laga tixraacayo muddada uu shalay dagaalka socday iyo adkaysiga ay muujiyeen , markaa waxaan aragnay qaar ka mid ah dagaallamayaashii ugu muhiimsanaa Daacish oo waqti hore la cirib-tiray, halkii la doonayay inay waxyaabo celiya ciidanka sameeyaan.

Illaa hadda lama soo bandhigin dagaallamayasha Soomaalida ee Daacish, sababta waa inaysan u dhaqmi karin sida ajaaniibta , balse taasi kama dhigna inay dagaalka ka maqanyihiin, hadda waxaa lagu jira marxalad bilow ah , oo waxaa jira goobo u diyaarsan inay Daacish , dagaalkooda fool-ka-foolka ee shalay bilowday ku galaan iyo dagaallada ay ku go’aaminayaan masiirkooda! Sida laga tixraacayo juqraafiga dhulka dagaallada fool-ka-foolka ee lagu jirayo ayaa noqonaya mid kasta oo dambe inuu ka adagyahay dagaalkii hore, tan oo dhacaysa mar kasta oo lagu dhawaanayo saldhigyada Daacish…!

Inta uu socday dagaalkii shalay , waxyaabaha fududeeyay in meesha laga saaro dagaallamayaasha Daacish , waxay igu sheegeen dad ku dhow goobta , in ciidanka ay go’aamiyeen waqti hore in laga hortago khasaaraha gaaraya , iyadoo laga faa’iideysanayo tirada is dheer , si naf-hurnimo leh ciidanka waxay ku wajaheen saf dheer , si ay u gaaraan goobta ka sarreysa iyo buuraha ay saaranyiin dagaallamayaasha Daacish , markaa waa in bartilmaameedka xasilloonida laga lumiyaa, laakin waxaa la oggolaaday dhimasho  illaa lagu tagay goobahoodii oo la dilay, laakin guushu waxay ku timid naf-hurnimo iyo inuu askari walba oo dagaalka ku jiray u bixiyay naftiisa si la gaaro oo la burburiyo goobaha ay ka dagaallamayaan argagixisada..! Ficilka wuxu muujiyay geesinimo, dhammaanteen inagu riixeya si midnimo leh in loo taageerro howlgalkan.

Maxaa lagu doortay dagaalka waqtiga qorax dhaca?

Dagaalkii shalay waxaa la arkay inay ciidanka Puntland , weerar adag qaadeen waqti dambe oo qorax dhac ah , iyadoo aysan jirin wax u fududeynaya ciidanka inay habeenkii dagaallamaan si bartilmaameed leh, waxaa laga yaabaa inay ahayd xaalad lagu go’aamiyay marxaladda dagaalka ee waqtigaa ama waxaa loo arkay waqtiga ay tahay in lagu jabin karo cadowga, balse doorashadaa dagaalka ee waqtigaa waxay dhalisay dhimasho ka badan saacad kasta oo hore oo gaartay ciidanka, laakin taasi ma hor istaagin oo ciidanka si ka dhaqso badan qiyaastii hore ayay u burburiyeen cadowga oo ay u gaareen bartilmaameedka.

Mar kasta oo lagu socdaa dagaalka adag , waa in la diiwaangeliya dhacdooyinka ku dhex jiray ee aan horey loo qiyaasin oo la fallanqeeyaa , si loogu go’aamiyo nooca weerarka xiga si loo yareeyo inuu khaladka dib usoo laabto, waxaa hadda laga baran karo dagaalkii shalay waa inay wali muhiimad leedahay isku dhafka ciidanka , si hoos loogu dhigo khasaaraha halka dhinac . Sidoo kale , ha fududeyn wax kasta oo laga heli karo fallanqeyn istiraatijiyadeed iyo xogo laga tixraaco karo, qiyaasta tirada ciidanka , hubka iyo qaab dhismoodkooda jireed oo laga heli karo muuqaallada laga soo bandhigayo goobta, ka jooji saraakiisha dagaalka hoggaaminaya waqtigan dagaal inay ka soo muuqdaan kaamirooyinka, tani waa waxay ahayd inay waqti iyo sirdoon uga baxdo cadowga — u beddel goobta mid aan la qiyaasi karin oo goob gaar ah oo la fadhiyo u xul inuu ku hadlo kaliya qofka ka baxsan saraakiisha iyo askarta , sida afhayeenka howlgalka inuu soo bandhigo! Waxaa la duubi karaa muuqaallo loogu talagalay marka dagaalka uu dhammaado in la soo bandhigo , oo la mid ah sida hadda muuqaallada ay ku soo baxaan oo ay tahay in la beddelo!

IMAN JAMAC

Related posts

Qoorqoor oo War ka soo saaray ansixinta Guddiga doorashada Galmudug

Caydiid Ali

Deni, Faroole, Cumar C/rashiid & xubno kale oo dalab xasaasi ah u diray Xassan Shiikh (Akhriso)

Caydiid Ali

Xukuumada oo Lacag ku taageereysa Dhismaha Degmo Al Shabaab Qarxiyeen (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---