Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, ahna Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda ee dalka Azerbaijan, Mudane Yalchin Rafiyev.
Kulanka ayaa laoga hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Azerbaijan, iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga labada dal, si kor loogu qaado danaha wadajirka ah, loona xoojiyo iskaashiga horumarineed ee labada waddan.
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka iyo Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda ee Azerbaijan, ayaa isla qaatay in la xoojiyo wadashaqeynta dhinacyada kala duwan, si loo abuuro iskaashi miro-dhal ah oo wax ku ool u ah labada dal.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiska ku qaabilay Agaasimaha guud ee xiriir Arrimaha Dibada ee Wakaalada adeega dadweynaha iyo hal-abuurka ee Jamhuuriyada Azerbaijan Mr. Mohamed Ali khudaverdiyev. iyaga oo kawada hadlay sidii loo abuuri lahaa xiriir iskaashi ah oo ku dhisan Wax wada qabsi, dhaxmara magaalooginka Azerbaijan iyo Muqdisho.
Agaasimaha guud ee xiriir Arrimaha Dibada ee wakaalada adeega dadweynaha iyo hal-abuurka ee Jamguuriyada Azerbaijan Mohamed Ali khudaverdiyev, ayaa amaanay horumarka ka socda Magaalada Muqdisho oo ah magaala kasoo kabaneysa burburkii soo gaaray islamarkaana ay dadkeeda diyaar u yihiin in ay la tartamaan oo ay wax la qeyb sadaan magaalooyinka caalamka ee horumaray.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa ugu mahadceliyay Jamhuuriyada Azerbaijan balan qaadkooda la xariira taageerada mashaariicda lagu horumarinaayo Caasimadda.