Allbanaadir.com
NEWS

Arsene Wenger oo lagu casuumay caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Liberia

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa xaqiijiyey inuu martiqaad ka helay Madaxweynaha cusub ee Liberia George Weah si uu uga qayb galo caleemo saarkiisa oo dhacaya bishan dabayaaqadeeda.

Wenger ayaa macalin u soo noqday Weah sanadihii sagaashamaadkii markaasoo ay ku wada sugnaayeen kooxda Monaco ee dalka Faransiiska.

Balse Wenger marnaba ma uusan qiyaasin in wiilkaas yar uu madaxweyne ka noqon doono Liberia Weah oo loo doortay bishii hore isagoo helay 60% codadkii la laga dhiibtay wareeggii labaad ee doorashada.

“Nolosha ninkan waa filim xaqiiqo ah. Waa wax aan la rumaysan karin. Filim cajiib ah ayaana laga matali karaa,” ayuu ku yiri Wenger oo ashqaraarsan.

“Waxaan xasuustaa markii koowaad ee aan ku arkay Monaco, kayd ayaa ka muuqatay, qofna ma uusan aqoonin, ma jirin qof qiimeeyay heerka uu ciyaarta ka joogo, haddana wuxuu noqday ciyaartoygii ugu wanaagsanaa adduunka sannadkii 1995, inuu madaxweyne ka noqdo dalkiisa waa arrin aan la aamini karin”. ayuu yiri

Wenger wuxuu sheegay in Weah uu waligii jeclaa dalkiisa, uuna rumaysan yahay inuu qorshe lahaa.

“George ayaan dalkiisa u raacay markii uu dagaalku ka socday Liberia, waxaana arkay dhibaatada dalka soo gaartay, dalkiisa iyo dadkiisana wuu jeclaa,” ayuu yiri Wenger.

“Markaan xasuustayda dib u celiyo waxaan arkay isaga oo ka ooyaya dagaalka Liberia ka socda, marka waa arrin farxad leh, waxaana u rajaynayaa madaxweynenimo wanaagsan. wuxuuna tusaale u yahay qof kaste oo maanta ciyaartooy ah”.

Arrintinta muragada leh ayaase ah in hawsha Horyaalka Ingiriiska ee u taalla awgeed uu u muuqdo mid aan ka qaybgali doonin caleemo saarka – inkastoo ay macquultahay haddii uu safarkiisa soo kobo inuu ka qeyb gali karo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruto oo magacaabay Wasiirro uu ku jiro Aadan Ducaale

Cabdi Cade

Dibad baxe carreysan oo isku hor gubay Qunsuliyad Israa’iil ku leedahay Mareykanka

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal dib uga qarxay Sudan iyo Xabbad-joojintii oo bur burtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---