Allbanaadir.com
NEWS

Meydadka ajaaniib & hub laga furtay Daacish oo la soo bandhigay

Howlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland ee Calmiskaat ayaa soo bandhigay, Khasaarihii loo geystay kooxda Daacish oo lagu laayey dagaalafdii dhacay shalay & maanta oo ahaa kuwii ugu qaraaraa intii uu socday howlgalka.

Ciidanku waxay xoog ugala wareegeen Daacish dhammaan deegaanadii shalay iyo maanta lagu dagaalamay oo ka tirsan Tog Jaceyl oo ka tirsan buuraha Calmiskaad. Waxay gacanta ku dhigeen hub, dukumentiyo iyo agab kale oo fara badan

Warbixin sawirro wadata oo uu soo saaray Taliska Ciidamada difaaca Puntland ayaa lagu shaaciyay in ciidamadu xalay ilaa maanta hawlgalka ku dileen ilaa 57 xubnood oo ka tirsan Daacish, kuwaasi oo u badan ajaanib, waxaana wararku sheegayaan in ajaanibtaasi ka soo jeedaan dalal kala duwan.

“Ciidamada Difaaca Puntland oo muddo laba cisho oo xiriir ah ka fulinaaya dagaallo ka dhan ah Argagixisada Daacish deegaannada  Dharin iyo Qurac ee togga Jaceel ayaa xalay Illaa maanta markale ka laayey sharwadayaal hor leh, kuwaasi oo tirada guud ka dhigaysa in ka badan 57 qof.” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Warbixinta Taliska Ciidamada Puntland oo lagu faafiyay bogga Hawlgalka gaarka ah ee Ciribtirka Argagixisada ayaa intaasi raacisay in ciidamadu dhammaan Daacish ka saareen degaannadii lagu dagaallamay oo ku teedsan togga Jeceel.

Sawiraddii u dambeeyey Tog jaceyl iyo goobihii kale ee Daacish laga saaray

 

Related posts

Dugsiga Amiin Quran Online oo fursad qaaliya u haya qurbajoogta Soomaaliyeed iyo Carruurtooda

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Khayre oo ka hadlay safarkiisii Imaaraadka & Heshiiskii dekeda Berbera

Caydiid Ali

Wasiir ka tirsan Xukuumada Somalia oo iscailay, kana hadlay sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---