Allbanaadir.com
NEWS

Agaasime Dhuxulow oo arrin muhiim ah kala hadlay Danjiraha Sweden

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duhulow ayaa xarunta dhexe ee HSJ ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Danjire Joachim Waern.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta labada dhinac, gaar ahaan isku xirka hay’adaha socdaalka iyo jinsiyadda ee labada dal, wadaagista khibradaha iyo xogaha la xiriira socdaalka, iyo horumarinta aqoonta saraakiisha HSJ.

Agaasimaha Guud ayaa ugu horrayn uga tacsiyeeyay safiirka dhacdadii argagaxa lahayd ee ka dhacday dugsi ku yaalla Sweden, taas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof, isagoo muujiyay dareen-wadaagga ay HSJ la leedahay dowladda iyo shacabka Sweden.

Danjire Joachim Waern ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha Guud tacsida iyo soo dhaweynta diirran, isagoo hoosta ka xariiqay sida Dowladda Sweden uga go’an tahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay HSJ, isaga oo caddeeyay in Sweden ay sii wadayso dadaallada ay ku taageerayso horumarinta adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda ee Soomaaliya, isla markaana ay muhiim tahay in la sii ambaqaado dadaallada lagu xoojinayo xiriirka labada dal

Related posts

Abiy Ahmed oo markii ugu horeysay qirey ciidamada Eritrea ee ka dagaalamay Tigray

Caydiid Ali

Wararkii u dambeeyey duqeymo iyo dagaalo toos ah oo ka socda Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali

Shirkadda iska leh Facebook oo lagu ganaaxay Malaayiin Dollar iyo Dambiga loo heesto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---