Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo la kulmay Nin caan ka ah Baraha Bulshada (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan soo dhaweyn ah ugu fidiyey Madaxtooyada Qaranka Hal-abuure Asad Xaajiyow ayaa ku dhiirri geliyey go’aanka geesinimada leh ee uu ku wajahay dhibaatada ay u geysteen argagixisada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Asad Xaajiyow uu tusaale u yahay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee adkaysiga iyo geesinimada kaga gudbay dhibaatada iyo waxyeellada ay argagixisada u geysteen dadka Soomaaliyeed.

“Asad kuma niyad jabin weerarkii naxariis darrada ahaa ee argagixisada Al-Shabaab ay dhowr iyo toban sano ka hor isku dayeen in ay ku dilaan, kaas oo keenay in uu naafo noqdo. Inkastoo uu la kulmay dhaawac halis ah oo naafo ka dhigay haddana maanta waxa uu dalkiisa ku soo laabtay isagoo xambaarsan himilo iyo hiigsi ku aaddan horomurka dalkiisa iyo dadkiisa”.

Munaasabadda kaddib, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf ayaa guddoonsiiyey Asad Xaajiyow Billadda Adkaysiga Soomaaliyeed, taas oo ah abaalmarin la siinayo muwaadiniinta muujiyey geesinimo, dulqaad, iyo adeeg bulsho oo qiimo leh.

Related posts

Malaayiin Mareykan ah oo saakay u dareeraya Doorashada iyo Trump oo….

Cabdi Cade

Markabka Oruc Reis oo Natiijo hordhac ah ka soo diray xeebaha Somalia

Caydiid Ali

Wasaaradda Waxbarashada oo la wareegtay 24 iskuul oo ku yaala Muqdisho (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---