Allbanaadir.com
NEWS

Dalalka caalamka oo ka hor yimid qorshaha Trump ee Gaza

Madaxweynaha dalka Turkeyga ayaa ka soo horjeestay qorshaha Donald Trump ee ah in shacabka ku nool magaaladda Gaza ay iskaga ka baxaan ayna la wareegayaan ciidamada mareykanka

Haddalkan madaxweynaha Turkryga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ku soo beegmaya xili Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, uu sheegay inuu doonayo in Maraykanku la wareego marinka Gaza ka dib marka Falastiiniyiinta laga saaro ee loo raro dalalka deriska la ah ee Masar iyo Urdun.

Waxaa uu sheegay in reer Gaza uusan u heynin dookh kale oo aan aheyn oo aan aheyn iney ka baxaan halkaas, Masar iyo Jordana ay qasab ku tahay iney qaabilaan dadka ka baxaya Gaza

Trump ayaa sheegay in Gaza la horumarin doono si ay “dadka caalamka” ugu noolaadaan.Trump ayaa qorshahan la wadaagay ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, intii ay ku guda jireen shir jaraa’id oo ka dhacay Aqalka Cad ee maraykan habeenimadii Xalay.

Waxaa arinta ka falceliyay diidmo cadna ka muujiyay dalal ay kamid yihiin; China, Rusia, Brazil, Spain, Belgium, Egypt, Jordan iyo qaar kale.

Marka laga yimaado Caalamka Mareykanka dhexdiisa ayaanan laga aqbalin xili qaar kamid ah Wakiilada Aqalka cad ayaa qorshaha Trump ku tilmaamay inuu lamid yahay kaftan dameer iyo waxaan caqli gal aheyn, iyagoo sheegay in Trump uu waashay waayo bey dhaheen qorshahaan haddii lagu dhaqaaqo Bariga dhexe wuu holci doonaa jabka ugu xuna waxaa la kulmi doono Askarta Amerikanka.

Qorshaha Trump dadkale iska daayee xitaa waxaa waali ku tilmaamay qaar kamid ah Dowladihii sida weyn u taageersanaa Israel dagaalka Gazana isdifaac nafeed ku tilmaamay sida Germany, France iyo England.

Raysal wasaaraha dalka Ingriiska Keir Starmer ayaa ka soo horjeestay qorshaha Trump ee ah in Falastiiniyiintu ay ka baxaan magaaladda Gaza.

Raisal Wasaare Keir Starmer ayaa ka soo horjeestay in gabi ahaanba Falastiiniyiintu ay ka baxaan magaaladda Gaza oo mid baaba’ah, ka dib duqaymihii ay ciidmadda Israaliyiintu ka gaysteen magaalada. Waxa uu sheegay in reer Gaza ay u  baahan yihiin in ay ku noqdaan guryahadda, ayna dhistaan si ay nabad iyo barwaaqo ugu noolaaddaan.

Sacuudiya Carabiya ayaa sheegtay in Falastiin dowlad noqoto iney taageersan tahay oo aysan ka leex leexaneyn

Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijisay in mowqifka Bo qortooyada Sacuudi Carabiya ee ku aaddan dhismaha dowlad Falastiin yeelato uu yahay mid adag oo aan leexleexad lahayn.

Related posts

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo mas’uuliyada weerarkii shalay dusha u saaray madaxda dalka !!

admin

(Daawo Sawirro) Sida quruxda badan ee Somaliland looga dabaaldegay xuska 18-ka May

Caydiid Ali

Taliye Indha-qarshe: “In laba sano iyo bar Ciidanku soo maraan Shan Taliye Sax maaha”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---