Allbanaadir.com
NEWS

Kulan looga hadlayay xaalad adag oo taagan oo Muqdisho ka dhacay

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta guddoomiyay kulan looga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka, waxaana kulankaan goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray warbixinta abaarta La-nina, saameynta taban ee durba ka dhalatay taageerada qaar ka mid ah hay’adaha ka shaqeeya howlaha gargaarka oo istaagtay iyo in wadajir looga howl-galo wax ka qabashada xaaladda bani’aadannimo ee waddanka.

Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa xusay in dadaallada diblomaasiyadeed iyo doorka hoggaamin ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda xogga lagu saari doono sidii indhaha caalamka loogu soo jeedin lahaa malxadda ban’aadanimo ee ka jirta Soomaaliya.

Related posts

Naqshada cusub ee lacagta ay soo daabaceyso dowlada Somalia oo la soo bandhigay(Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Shil dad badan ku dhamaadeen oo ka dhacay magaalo kutaalla Kenya (Sawirro)

Cabdi Cade

Boqolaal Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay gobolka Gedo, lana wareegay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---