Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo guulo ka gaartay Dagaalka Daacish soona bandhigeysa meydadka Ajaaniib lagu…

Ciidamada difaaca maamulka Puntland ayaa howlgal culus kawada buuraha Calmiskaad, gaar ahaan aagga togga Jaceyl oo shalay dagaallo xooggan ka dhaceen.

Saraakiisha hoggaamineysa dagaalka ayaa sheegay in jab xooggan gaarsiiyeen kooxda Daacish, waxa ayna xuseen in ay wadaan howlgal sifeyn ah ay kusoo afjarayaan firxadka kooxda Daacish.

Waxa ay sheegeen saraakiisha ciidamada Puntland howlgalladii ugu dambeeyay im ay ku laayeen ku dhawaad 50 xubnood oo katirsanaa kooxda Daacish, kuwaa oo isugu jira ajaaniib iyo Soomaali.

Saraakiisha waxa ay sidoo kale ballanqaadeen in ay soo bandhigayaan meydadka kooxda Daacish ee lagu laayay howlgalladii shalay iyo maanta ka dhacay buuraha ay gabbaadka kaga jiraan kooxda Daacish.

Howlgalka ciidamada Puntland ka wadaan dhulka buuraha ay ku sugan yihiin Daacish, ayaa hadda maraya wajigii labaad, waxa ayna kooxda Daacish la kulmayaan weeraro isugu jira cir iyo dhul.

Related posts

Hab cusub oo loo qaadi doono Canshuuraha laga aruuriyo Ganacsatada Muqdisho !!

Cabdi Cade

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo u Safray Dalka Ingiriiska (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Dibadbax kale oo lagu taageerayo Ciidamada Itoobiya oo la dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---