Allbanaadir.com
NEWS

Trump oo shaaciyay in ay la wareegayaan Gasa iyo Xamaas oo ka jawaabtay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay isbeddelkii ugu weynaa ee siyaasadda Mareykanka ee ku wajahan Bariga Dhexe muddo tobanaan sano ah. Waxa uu sheegay in Maraykanku uu doonayo in uu la wareego Marinka Gaza.

Donald Trump ayaa laba jibaaray soo jeedinta lagu doonayo in dib u dajin loogu sameeyo guud ahaan shacabka reer Falastiin ee Gaza dalalka Masar, Urdun iyo dalal kale.

“Waxaan ku dhisi karnaa lacag aad u badan oo ay bixiyaan dad kale, waddamo aad hodan u ah waxayna diyaar u yihiin inay bixiyaan. Haddaynu wax u dhisno reer Gaza oo mid ka mid ah dalalka roo rarayo uu noqdo Urdun ama Masar sidoo kale dalal kale bay noqon karaan,” ayuu yiri Trump.

Qasa -Sami Abu Zuhri oo ka tirsan saraskiisha sar sare ee ururka Xamaas ayaa soo jeedintan ku tilmaamay mid ” lagu qoslo” iyo “wax aan macquul ahayn”.

“Fikrado kasta oo noocan ah ayaa awood u leh in ay shidaan gobolka,” ayuu yiru, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Abu Zuhri waxa uu sidoo kale ka jawaabay soo jeedintii hore ee Trump ee ahayd in dadka reer Qasa la dejiyo dalalka Urdun iyo Masar, isaga oo ku tilmaamay “tallaabo lagu abuurayo qalalaase iyo xiisad gobolka ka aloosanta”.

“Dadkeena ku sugan Marinka Qasa ma ogolaan doonaan in qorshayaashan ay meel mariyaan, waxa loo baahan yahay waa in la joojiyo gumeysiga iyo gardarada ka dhanka ah dadkeena, ma ahan in laga eryo dhulkooda,” ayuu u sheegay warbaahinta badan.

Hadalka Trump ayaa imaanaya iyadoo ay socdaan dadaallo dhexdhexaadin ah oo u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, kuwaas oo ku saabsan marxaladda labaad ee muhiimka ah ee heshiiska xabbad joojinta iyo sii deynta la haystayaasha.

Related posts

Qoyska Gabar kufsi iyo Dil u geesteen Ciidamo katirsan dowlada oo Cadaalad dalbaday

Cabdi Cade

Somalia: Dadka u dhimanaya & kuwa uu soo ridanayo COVID-19 oo sii kordhaysa

Caydiid Ali

Isbitaalada Banaadir iyo Martiini oo lacag laga dhigay iyo Siyaasi ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---