Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa maanta oo Arbaco ah dhagax-dhigay dhismaha waddada laami yaraha Soobe ee katirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Duqa Muqdisho ayaa bogaadiyay doorka iskaashi oo ay bulshada iyo maamulka degmada ku dhisayaan waddadaan oo muhiim u ah isku socodka bulshada, asigoona xusay in maamulka gobolka Banaadir uu kaalin weyn ka qaadan doonno dhismahaan si loo horumariyo kaabayaasha isku socodka bulshada.
Waddadan maanta la dhagax-dhigay ayaa aheyd mid si weyn u burbursaneed, waxaana waddadan ay hor martaa dhismooyin waa weyn oo magaalada laga dhisay iyo sidoo kale xarumo ganacsi, iyadoona burburka waddadan dhib weyn gaadiidka ku qabeyn.
Inta badan waddooyinka muhiimka ah ee kuyaalla magaalada Muqdisho ayaa lagu sameeyay dib u dhis balaaran, waxa ayna dhismaha waddooyinkan wax badan ka beddeleen bilicda caasimadda Muqdisho oo isbaddel weyn laga dareemayo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com