Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii ugu dambeeyay Dagaalka Baardheere iyo Masuul lagu dilay

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamo ka ammar qaata dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland , ayaa saakay ka qarxay qeybo kamid ah degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaas ay isku hayaan labada dhinac gacan ku heynteeda.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka ayaa ka qarxay aagga xarunta degmada Baardheere, waxa ayna labada ciidan oo hubka nuucyadiisa kala duwan adeegsanayay isku hayeen gacan ku heynta xarunta degmada oo labo maalin kahor la wareegeen maamulka Jubbaland.

Dagaalka ka qarxay degmada Baardhaare ayaa dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyada dagaallamay, waxaa sidoo kale lasoo tabinayaa in ay jiraan khasaarooyin dagaalka kasoo gaaray dad shacab ah.

Dadka dagaalka ka socda Baardheere ku dhintay saakay waxaa kamid ah Maxamed Ilyaas Caagane oo kamid ahaa mas’uuliyiintii ay dhowaan dowladda Soomaaliya u magacowday maamulka degmada Baardheere, waxa uuna ahaa ninkan guddoomiyaha Arrimaha Bulshada ee degmadaasi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, ayaan wali war rasmi ah kasoo saarin dagaalka saakay ka qarxay degmada Baardhaare, waxaana la filayaa in dhinacyadan hadlaan uuna midbo kan kale ku eedeeyo dagaalka iyo masuuliyadiisa.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee taabacsan iyo kuwa maamulka Jubbaland oo siyaasad ahaan iska soo horjeeda ayaa horey ugu dagaallamay deegaanno katirsan Jubbooyinka iyo sidoo kale degmada Doolow, waxa uuna hadda dagaalka soo gaaray degmada Baardheere.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wariyihii kabaha ku tuuray Madaxweyne Bush oo tartan doorasho isu soo taagay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Rugaha Ganacsi ee saddex dowlad Goboleed oo beeniyay Warqad warbaahinta lagu baahiyay

Cabdi Cade

Puntland oo amar cusub ku soo rogtay Masaajidada & dugsiyada Quraanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---