Allbanaadir.com
NEWS

Madaxtooyada Somaliland oo Ilaaladii kala noqotay Muuse Biixi

Maadaxtooyada Somaliland ayaa ciidankii ilaalada ahaa kala noqotay Madaxweynihii xilka ka degay ee Maamulkaas Muuse Biixi Cabdi

Xisbiga Kulmiye ayaa xaqiijiyay in dhammaan ciidankii ilaalinayay Madaxweynihi hore ee Somaliland Muuse Biixi, xukuumaddu galabta ka qaaday oo lagu soo celiyay madaxtooyada.

Kulmiye ayaa sheegay in shacabka Somaliland ilaashan doonaan madaxweynahoodii hore kadib markii laga qaaday ciidamadii dawladda.

Kulmiye ma sheegin sababta Ciidamada looga qaaday balse wararka hoose ayaa sheegaya in Xukuumadda  uu hogaamiyo madaxweyne Ciro ka carootay ciidamo faro badan oo Biixi sii galbiyay todobaadkan mar uu ka dhoofayay garoonka Hargeysa.

Maamulka Somaliland ayaan illaa hadda ka hadlin talaabada ciidankii ilaalada ahaa looga qaaday Muuse Biixi oo hadal heyn xoogan ka abuurtay magaalada Hargeysa.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bixinaya kharashka ku baxaya qaadista Imtixaanka Dugsiga sare

Cabdi Cade

Nicholas Heysom oo Qoraal u diray Wasiirka amniga Somalia, Su’aalo culusna hordhigay

Caydiid Ali

Dad ka badan 120-qof oo lagu dhax dilay xabsi kuyaalla dal Afrika katirsan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---