Ismaan dhaaf u dhexeeya Xildhibaanada Soomaaliyeed ee Ilhaan Cumar iyo maalqabeenka Trump ay saaxiibada dhow yihiin ee Elon Musk ayaa saacadihii u dambeeyey ka socday baraha bulshada gaar ahaanna barta X ee horey loo oran jiray Twitter
Elon Musk ayaa si weyn u weeraray Ilhaan Cumar oo u doodaysay in aan la xirin Hayaddii gargaarka bixin jirtay ee USAID balse Elon Musk ayaa Xildhibaannada ugu jawaabay inay tahay khaainad neceb dalka Maraykanka.
Xildhibaannada Ilhaan Cumar oo eedda loo jeediyey gaashaanka u daruurtay ayaa sheegtay in uu Elon Musk lacago badan siiyey Donald Trump si uu saamayn ugu yeesho xogta xasaasiga ah ee dawladda.
Dhinaca kale Elon Musk wuxuu sii faafiyey muuqaal lagu dhalleecanayo Ilhaan Cumar oo lagu edeeyey in ay ka qayb gashay kulan loo qabtay Soomaali aan sharci haysan oo ka dhacay gudaha Maraykanka. Taasoo ku dulqoray inay jebisay sharcigii Maraykanka ayna Soomaalidaas siisay seminaar la xiriira sidii ay uga dhuuman lahaayeen in la masaafurinta.
Hayeeshe Ilhaan Cumar oo ka carootay arrintaas ayaa ugu jawaabtay Elon Musk inuu isagu yahay ka jebinaya sharciga Maraykanka isla markaana sii faafinaya muuqaallo la dhalan rogay oo marin habaabin ah waxayna sheegtay in kulankaas aysan iyadu ka qeyb gelin