Allbanaadir.com
NEWS

Duqeymo cirka ah oo caawa ka socda Buuraha Calmiskaad

Wararka laga helayo buuraha Calmiskaad ee gobolka bari ayaa sheegaya in duqeymo cirka ah ay haatan ka socdaan goobo ay ku dhuumaaleysanayaan kooxda Daacish ee ku sugan qeybo ka mid ah  buurahaas.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxyo waaweyn laga maqlayo caawa degaano ku dhow aagagii ay ciidanka difaaca Puntland ku sugnaayeen xilliga gabalku dhacayay.

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa difaac adag ka galay degaanada hoose ee laga soo dago buuraha Cal-Miskaad, si ay uga hortagaan firxadka kooxda Daacish ee ka baxsanaya weerarada ciidamada.

Dagaalkii ugu xooganaa ayaa maanta ka dhacay toga jaceyl oo ay fariisin weyn ku lahaayeen kooxda Daacish ka dib markii ay halkaas weerareen ciidamada Puntland waxaana halkaas ka dhacay dagaal qaraar oo sii gaaray illaa gabaldhicii maanta.

Waxaa dagaalkaas lagu laayey dagaalyahano ajaaniib ah oo ka tirsan kooxdda Daacish kuwaasoo 50 ka badnaa iyo kuwo Soomaali ah waxaana sawirada meydadkooda lagu soo bandhigay baraha bulshada.

Sidoo kale ciidamada Puntland ayey wararka qaar sheegayaan iney kaga dhinteen dagaalkan ku dhowaad 20 askari halka 50 kale in ka badan ay kaga dhaawacmeen.

Duqeymaha ayaa waxaa fulinaya sida wararku sheegayaan dayuuradaha Imaaraadka ka dib markii ay dalbadeen ciidanka Puntland ee dhulka ka dagaalamaya, weli lama oga khasaaraha iyo goobaha lala beegsaday, maalmo ka hor ayeyna aheyd markii dayuuradaha xambaara bambooyinka waaweyn ee Mareykanka ay duqeeyeen godad ku yaalla aagaas oo ay ku jireen xubno ka tirsan Daacish.

Related posts

Dabageed: “Aniga & Cali Guudlaawe isma khilaafsanin, kuraas dad loo xiraana ma jiraan’

Caydiid Ali

Mid ka mid ah Qoysaska Soomaalida ee ku nool qurbaha oo gaaray go’aan lala yaabay

Caydiid Ali

Milateriga Somalia oo ka hadlay rasaas laga maqlay xerada Jen. Goordan (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---