Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Puntland oo ajaaniibtii ugu badneyd ka dilay Daacish

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa maanta in ka badan 20 Ajaaniib ah ku dilay Buuraleyda Calmiskaat ee gobolka bari kuwaas oo sawiradooda lasoo bandhigay.

Kooxdan ayaa jid kasta maanta u qaaday, wado kastana u galay sidii ay ciidanka difaaca Puntland uga joojin lahaayeen Togga Jeceel, balse waa laga hortagay isku dayadoodii, iyadoo meydadkooda ay waran yihiin aagagii dagaalka.

Sawiro lagu baahiyey barta telegram ayaa muujinaya meydadka dagaalyahano iskugu jira cadaan iyo madow oo daadsan aagaga lagu dagaalamay kuwaasoo u badan ajaaniib dalal shisheeye ka yimid.

Bayaan kooban oo ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa xaqiijiyay in ciidamada difaaca Puntland si buuxda gacanta ugu dhigeen degaanka Dharin ee togga Jeceel, halkaasoo ay ku xoogganaayeen Daacish.

Bayaanka oo soo baxay kaddib dagaal culus oo maanta in ka badan 9 saacadood ka socday degaannada ku teedsan togga Jeceel ayaa lagu sheegay in ciidamadu gacanta ku dhigeen degaankaasi istiraatiijiga ah ee Dharin oo ay si xooggan ugu dagaallameen kooxda Daacish

Ciidamada difaaca Puntland waxay sheegeen in ay wax dhintay iyo wax firxaday noqdeen dagaallamayaashii ISIS ee laga qabsaday degaanka Dharin ee togga Jeceel, kaddib markii ciidamadu halkaasi xoog kaga saareen kooxda oo isku dayay in ay xajistaan, balse laga awood roonaaday, sida uu tilmaamay bayaanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.

Ka hor inta aysan degaanka Dharin la qaban, waxay ciidamada difaaca Puntland kooxda Daacish ka saareen ilaa lix saldhig oo yar yar, kuwaasoo ay ku dagaallameen ISIS, ha yeeshee ugu danbayn dhammaantood laga kiciyay, kaddib markii ciidamadu dusha ka mareen.

Related posts

(Sawirro) Cali Guudlaawe oo Muqdisho soo gaaray iyo soo dhoweyntiisa oo..

Caydiid Ali

Ciidamo Huwan ah oo la wareegay Deegaan Al Shabaab Saldhig weyn ku lahaayeen

Cabdi Cade

Qaar kamid ah Ergadii soo dooratay Jawaari oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---