Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa Saraakiil cusub u magacaabay taliska ciidanka daraawiishta maamulkaas
HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA
Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali,
Markuu arkay, Qodobada 6aad iyo 14aad ee Axdiga Maamulka SSC-Khaatumo.
Ku qancay aqoonta iyo khibraddooda.
-Tixgeliyay baahida loo qabo dhammaystirka iyo dib-u-habaynta Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo isla markaana sameeyey la tashiyo, waxa uu Xeer hoggaamiye 30/2025 ku magacaabay saraakiishan magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:-
- S/Guuto Yuusuf Cabdillaahi Jaamac (Quuje) Hoggaanka Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo
- G/Sare Asad Cali duullanne
Taliyaha qaybta 25aad Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo
- G/Sare Farxaan Maxamuud Jaamac
Taliyaha Qaybta 6aad Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo
- G/Sare Cabdisalaan Yuusuf Muuse (Siigaale) Taliyaha Qaybta 12aad ee Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo
Hoggaamiyaha ayaa Saraakiishan Ilaahay uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u igmaday.