Allbanaadir.com
NEWS

Wafdi uu horkacayo Yalchin Rafiyev oo Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa Gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho ku soo dhoweeyay maanta wafdi rasmi ah oo ka socda Dowladda Azerbaijan oo uu hoggaaminayo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda, Mudane Yalchin Rafiyev.

Wafdiga Azerbaijan inta ay dalka joogaan, waxaa qaabili doona Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, si loo soo banbixiyo fursadaha lagu xoojin karo xiriirka labo dhinaclaha, korna loogu qaadi karo iskaashi dhinacyo badan leh oo ka tarjumaya dano wadaagga labada dal ee walaalaha ah

Dhinaca kale, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Shire Maxamed ayaa maanta qaabilay wafdiga ka socda dalka Azerbaijan oo uu hoggaaminayay Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda dalkaas Mudane Yalchin Rafiyev.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta  xariirka labada dal iyo iskaashiga  dhinacyada Tamarta,Batroolka ,maalgashiga iyo tababarka xirfadlayaasha.

Kulanka ayaa waxaa wasiirka ku wehliyay Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiye  Fathudiin Ali iyo Guddoomiyaha hay’adda Batroolka Somaliyeed Engineer Abdulkadir Adan Mohamed.

Related posts

(Sawirro) Madaxweyne abaal mariyey Wiil dib u celiyey lacag adag oo uu wadada ka helay

Caydiid Ali

Jocob Zuma oo diidan in xabsiga la dhigo Codsi cusubna u diray Maxkamada sare

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Ammar cusub siiyay golihiisa Wasiiradda (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---