Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ay wehelinayaan Wasiirka Arrimaha Dibedda, Wasiirka Madaxtooyada, La-taliyaha Siyaasadda Arrimaha Dibedda, Afhayeenka iyo Xoghayaha Madaxweynaha) ayaa maanta (04.02.2025) Qasriga Madaxtooyada hargeysa kulan muhiim ah kula yeeshay Wefti sare oo ka kala socday Guddida Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) iyo Ururka Bisha Cas ee Somaliland
Wafdiga ICRC-da waxa hoggaaminayay Mudane Antoine Grand, Madaxa ICRC Somalia, & Agaasimaha Fulinta ee Ururka Bisha Cas (SRCS) qaybtiisa Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland ayaa Weftiga ka socdey Laanqeyrta Cas iyo Ururka Bisha Cas uga mahad naqay booqashadooda isla markaana ku bogaadiyey shaqada fiican ee bani’aadantinimo ee Hay’adahani ay ka hayaan Somaliland.
Madaxweynaha ayaa wuxuu qiray kaalinta wayn ee ay Hay’adahani ka qaataan ka jawaabidda baahiyaha bani’aadamnimo gaar ahaan kuwa caafimaadka, xabsiyada, qeybta naafada iyo dib u soo celinta xiriirka qoysaska.
Madaxweynaha ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay Xukuumadiisa uga go’an tahay iyo ahmiyada ay siinayso Nabadda iyo Xasilloonida gobolka, isaga oo sheegay in dedaallada Nabadda, xasiloonida iyo dib-u-heshiisiinta iyo u-samo-falka bulshada Somaliland ay tahay muhimadda iyo mudnaanta koowaad ee Xukuumadiisa
Mudane Antoine Grand, Madaxa ICRC Somaliland /Somalia ayaa Madaxweynaha ku hambalyeeyey guushii doorashadii Madaxtooyada isagoo Somaliland ku ammaanay hannaanka Dimuqraadiyada qaan-gaadhka ah ee Somaliland ka hirgalay. Masuulkan ayaa Madaxweynaha ka siiyey warbixin guud oo ku saabsan taariikhdii iyo howlihii ay Hay’adda ICRC-da ka qabato Somaliland. Waxana uu si gaar ah u tibaaxay taageerada ay Hay’addani siiso Somaliland gaar ahaan xagga Xabsiyada iyo Caafimaadka iyo Daawooyinka.
Mudane Grand waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay taageerada ay ICRC-du siiso Ururka Bisha Cas qaybtiisa Somaliland ee Goobaha muhiimka ah sida qeybta naafada (PRP), caafimaadka iyo soo celinta xiriirka qoysaska ay colaaduhu kala kexeeyeen. Mudane Antoine Grand waxa uu Xukuumadda Somaliland uga mahadceliyey sida ay ula shaqaynayaan Hay’adiisa, iyo taabo gelinta hawlaha ka socda Somaliland.