Allbanaadir.com
NEWS

Trump oo xiraya heyaddii kaalmada dibeda Mareykanka USAID

Dawladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in guud ahaanba la xirayo Hayadda USAID oo dalkaas u qaabilsanayd gargaarka Caalamiga ah iyo taakulaynta dadka baahan ee ku nool waddamada soo koraya.

Elon Musk oo ah La taliyaha Trump u qaabilsan arrimaha dib u habaynta Hayaddaha dawladda iyo dabagalka deeqaha uu Maraykanku bixiyo ayaa sheegay in Trump uu kala hadlay sidii Hayaddan loo xiri lahaa taasna uu ka ogolaaday.

Arrinkan ayaa imanaya ka dib markii ay casileen qaar ka mida saraakiishii Hayaddan ugu sarraysay oo dabagal lagu bilaabay, iyadoo dawladdu ku dedaalayso in ay ogaato halka ay ku bixi jireen lacagihii Hayaddani ay maamuuli jirtay.

USAID oo ka hawl gasha in ka badan 100 dal oo daafaha dunida ku yaalla ayaa ka mid ahayd Hayadda sida weyn Soomaalida u caawin jirey muddada dheer. Iyada oo siin jirtay Qamadi, Saliid, Buskut dhiiq iyo taakulooyin kale. Kuwaas oo sida muuqata hadda ka dib la waayi doono

Related posts

Hanka Siyaasadeed ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo is badalay kadib go,aankii ICJ

Cabdi Cade

Danjirihii Somalia u fadhiyey Kenya oo deg deg ugu soo laabtay Muqdisho

Caydiid Ali

Dowlada Federaalka oon wali ka hadlin doorashadii ka dhacday Baydhabo iyo Shakiga laga …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---