Allbanaadir.com
NEWS

Baarlamaanka oo loogu baaqay in ay xilka ka qaadaan Xamse Barre

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay xaalada adag ee xilliggan dalka ku jiro, xilli ay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho la kulmayaan xaalad dhaqaalo darro aad u baahsan iyo barakicin dowladda kala kulmayaan.

Waxa uu xildhibaanka sheegay in xaaladda dalka ay kasii dareyso maalinba maalinka ka danbeeya, waxa uuna xusay qorshaha dowladda ku dooneyso qabashada doorasgo qof iyo cod ah aysan aheyn mid sax ah, balse dowladda ku rabto muddo kororsi sharcidarro ah.

”Xaaladda dalka waa ka sii deraysaa maalinba maalinka ka danbeeya. Shacabka waa u caddahay in halhayska doorasho qof iyo cod ah uu yahay hadal xaq ah, laakiin muddo kororsi loola jeedo. Tani waa isku day sii fogaynaya mucaaradka iyo maamullada horay u diiday muddo kororsiga” ayuu yiri CC Warsame.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa sidoo kale sheegay xaalada kasii dareyso ee dalka uu abuuri karo kacdoon ay sameeyaan dadka shacabka, waxa uuna xusay in shacabka la isugu daray barakicin iyo boob iyo sidoo kale canshuuro xad-dhaaf ah oo lagu soo rogayo.

Waxa uu ugu baaqay xildhibaanka Cabdiraxmaan Baarlamanaka Soomaaliya in uu qaado tallaabo uu kalsoonida kala laabanayo Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, si loo helo Ra’isul Wasaare cusub oo awood u leh joojinta boobka xoolaha iyo barakicinta.

”Si looga hortago burbur buuxa, waxaa muhiim ah in Baarlamaanka uu tallaabo qaado oo kalsoonida kala noqdo xukuumadda. Ra’iisul Wasaaraha cusubna uu sanadka harsan joojiyo barakicinta, baadda iyo boobka dhulka dowladda, lana xaajoodo mucaaradka iyo maamul goboleedyada, si loogu heshiiyo doorasho isku dhaf ah oo ku dhisan nidaamka awood qaybsiga 4.5 iyo codbixin toos ah” ayuu yiri Xildhibaanka.

Hadalka xildhibaanka ayaa kusoo aadaya xilli dalka uu galay xaalad adag oo dhinaca dhaqaalaha, sidoo kale dowladda dad badan ka barakcisay dhulkii danta guud ay degnaayeen, iyadoona dhulkaasi la sheegay in dowladda ka iibisay ganacsato Soomaaliyeed.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal xooggan oo ka dhacay Luuq iyo Suuq kas loo gubay

Cabdi Cade

Villa Somalia ”Waddada looga baxayo Shiidka waxa ay aadaa Jilib”

Cabdi Cade

Taliska AFRICOM oo ka hadlay sababaha duqeynta loogu dilay C/qaadir Kumandos

Caydiid Ali
Taboola Ads ---