Allbanaadir.com
NEWS

Beerta Ummadda oo maanta laga dhagax-dhigay Muqdisho (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa maanta oo Talaado ah dhagax dhigay Beerta Ummadda ee gobolka Banaadir, oo qeyb ka ah qorshaha horumarinta caasimadda Muqdisho.

Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa sheegay in mashruucaan uu yahay mid loogu tala-galay helitaanka goobo nasiino iyo dalxiis oo bulshada ka wada dhaxeeya, taasi oo ardeyda, dalxiisayaasha iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada fursad u siineysa in ay isugu yimaadaan.

Mashruucaan ayaa laga hirgelinaya degmada Waaberi gaar ahaan meel aan ka fogeyn Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoona Munaasabadda dhagax dhigga uu goobjoog ka ahaayeen masuuliyiin kala duwan.

Magaalada Muqdisho ayaan hadda laheyn beer dalxiis oo bulshada loogu tala galay oo lacag la’aan ah, waxaana kaliya magaalada kuyaalla beero dalxiis oo furteen ganacsato kuwaa oo lacago lagu galo , lamana oga beertan cusub ee la dhagax-dhigay waxa ay soo kordhin doonto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Turkiga oo Baaq muhioim ah u diray saamileyda Siyaasada Soomaaliya ee is khilaafsan

Cabdi Cade

Amar cusub oo laga soo saaray xaasaska iyo caruurta xubnaha ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali

Taliska Ciidanka Booliska DF oo sheeko cusub keenay (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---