Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirkii hore ee Difaaca oo mar kale Wasiirnnimo loo dhaariyay (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa ka qeybgalay munaasabadda dhaarinta Wasiirka Cusub Wasaaradda Qorshaynta  Koonfur Galbeed Mudane Cabdixakiin Maxamed Xaaji Fiqi.

Munaasabadan lagu dhaarinayay Wasiirkan cusub waxaa sidoo kale ka qeyb galay wasiirro iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Koonfur Galbeed, waxa ayna Wasiirka la magacaabay ugu hambaleeyeen xilkan cusub ee loo dhiibay.

Cabdixakiin Maxamed Xaaji Fiqi, ayaa horey usoo noqday Wasiirkii Difaacada dowladda  Soomaaliya, waxa uuna kamid ahaa Wasiirradii ugu saameynta badnaa ee dalka soo maray waxa uuna kaalin muuqata kasoo qaatay dagaalladii Al Shabaab lagu jabiyay.

Siyaasiyiin badan oo horey xilal sar sare uga soo qabtay dalka , ayaa kamid noqday Wasiirradii dowlad goboleedyada , kaddib sannado ay baagamuudo ahaayeen, iyadoona xusid mudan tahay in siyaasiyiin badan ay hadda xilal ka ka raadinayaan dowlad goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Mareykanka oo laga dalbaday in ay joojiso Taageerada ay siiso ciidanka Somalia

Cabdi Cade

Ma dhabaa in dayuuradaha Drones-ka Turkiga la siiyey dowlada Soomaaliya?

Caydiid Ali

Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Doorashada Puntland oo is casilay (Akhriso Sababta)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---