Allbanaadir.com
NEWS

Jubbaland oo dib ula wareegtay xarunta degmada Baardheere

Maamulka Jubbaland ayaa muddo kaddib dib ula wareegay xarunta maamulka degmada Baardheere ee gobolka Gedo, xaruntaasi ayaana la sheegay in muddooyinkii lasoo dhaafay heesteen lana wareegeen ciidamo ka amar qaata dowladda Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo, Aadan Muxumad Axmed iyo xubanaha kale ee maamulka ayaa dib ula wareegay xarunta degmada, waxa ayna halkaasi ku sameeyeen kormeer ay ku hubinayeen xaalada xarunta si dadka loogu adeego.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha degmada in hadda xarunta degmada Baardheere si buuxdo gacantooda ugu jirto, waxa uuna tilmaamay in diyaar u yihiin maamul ahaan in ay ugu adeegaan bulshada ku dhaqan degmada Baardheere.

Xarunta maamulka degmada Baardheere , ayaa ka maqnaa gacanta maamulka Jubbaland oo cadaadis kala kulmeysay dowladda Federaalka, waxa ayna tallaabadan hadda muujineysaa in Jubbaland si buuxda ula wareegtay maamulka degmada Baardheere.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen Mdaxweyne Guudlaawe & Raisul Wasaarihii hore? (Sawirro)

Caydiid Ali

Kenya oo Safiir cusub usoo magacawday Soomaaliya iyo Madaxweynaha oo aqoonsiga ka guddoomay (Sawirro)

Cabdi Cade

Saameyn Xoogan oo ka dhalatay Duufaanta Pawan ee ku dhufatay qeybo kamid ah Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---