Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u sheegtay in Wasaaardda Caafimaadka iyo Machadka Caafimaadka Qaranka aysan xaq u lahayn qaadista lacag.
War ka soo baxay wasaaradda goor dhaweed ayaa lagu xaqiijiyay in ay tahay waxba kama jiraan lacagaha talaalka ah ee la rabo in laga qaado bulshada dhoofeysa ama soo galaysa dalka taasoo ay soo rogeen labada heyadood.
“Tixgalin taxaddar leh ka dib, waxaan halkaan kugu ogeysiinayaa, iyadoo la raacayo Qodobbada 6(b) iyo 108 ee Sharciga Maamulka Dakhliga, 2019 iyo Qodobka 3-aad ee Qaraarka Mamnuucidda in Dakhli Dawladeed Lagu Shubo ama Lagu Hayo Koonto Bangi ee aan ahayn Khasnadda Mideysan (TSA) ee Golaha Wasiiradu soo saarayn 21 Agoosto 2024, in Wasaaradda Maaliyadda oo kaliya awood loo siiyay dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda oo ay ka mid yihiin khidmadaha la-xiriira buuga caafimaadka ee rakaabka ka-baxaya iyo kuwa soo-galaya Dalka iyo sidoo kale in dhammaan hay’adaha kale ee Dawladda, ha ahaadan rayid ama ciidan, laga mamnuucay dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada Maaliyada oo loo diray wasiirka caafimaadka DF kaasoo sidan hoose u qornaa:-