Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa looga hadlayaa shirka Riyadh uga furmay DF & IMF?

Waxaa maanta Magaalada Riyadh ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Hey’adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF, shirkaas oo diiradda lagu saarayo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidii loo maalgalin lahaa ilaha wax soo saarka daka oo uu ugu horeeyo kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya ay hodanka ku tahay.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige oo hoggaaminaya xubnaha kala duwan ee shirkaan ka qeyb galaya oo ka kooban Xafiisyada Madaxeynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha kala ah Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Batroolka, Bangiga Dhexe, Hey’adda Warbixinada Maaliyadda, Hay’adda Istaatistikada Qaranka iyo Xafiiiska Xisaabiyaha Guud.

Shirkan oo socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa intiisa badan waxaa lagu gorfayn doonaa, wixii u qabsoomay Dowladda Soomaaliya muddadii sanadka aheyd ee ka soo wareegtay markii lagu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deymhii lagu lahaa, sidoo kale waxa uu noqonayo qorshaha ku aadan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sidii loo maalgalin lahaa mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya gaarsiin kara isku filnaan dhaqaale.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa faah-faahin buuxda ka bixiyay dadaalka Wasaaradda Maaliyadda ee ku aadan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo casriyeynta ilaha dakhliga, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay hadda ku socdaan hannaankii saxda ahaa ee lagu gaari  lahaa horumar maaliyadeed.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay hufnaanta iyo horumarinta Maaliyadda, isagoo u mahadceliyay Sanduuqa IMF iyo Bangiga Adduunka oo si wanaagsan u la shaqaaya Hey’addaha Maaliyada Soomaaliya iyo taageerada farsamo iyo mid Maaaliyeedba ay ku taageeraan Dowladda Federaalka.

Related posts

Xamaas oo furun cusub oo dagaal ka furtay daanta Galbeed (Sawirro)

Caydiid Ali

Dagaal culus oo saakay ka dhacay Ceelbacad iyo Janaraal Odawaa oo guul sheegtay

Cabdi Cade

Ciidamada Danab oo howlgalo ka fuliyay deegaano ay maamulaan Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---