Wasaarada Caafimaadka Somalia ayaa ka laabatay amar farayay dadka ka dhoofaya garoonka Aadan cadde iney qaataan talaal looga hortagayo cudurada qaar ayna bixiyaan lacag $50 ku dhow.
Amarkan oo dhaqan galayey 1-dii bishan ayaa waxaa si weyn uga hor yimid dadka dhoofaya oo u arkay in arintan ay tahay farsamo cusub oo lacag looga sameynayo, waxaana sidoo kale ku kala qeybsamay madaxda wasaarada caafimaadka oo markii hore amarkan soo saaray.
Qoraal lagu daabacay bogga Wasaarada Caafimaadka Somalia ayaa lagu sheegay in wasiirka wasaaradaas uu amar ku bixiyey in la hakiyo waajib ahaanshaha talaalkaas inta laga xalinayo habraaca qaadashada talaalkaas.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADA Â Â
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS Dr. Ali Haji Adam, oo ka jawaabaya dareenka dadweynaha ay ka muujiyeen hannaanka shaqo ee xafiiska Caafimaadka dekedaha iyo garoomada ee la xiriira qaadashada Tallaaladii horay loo baahiyey, waxa uu go’aansadey in la hakiyo waajib ahaanshaha Tallaaladaasi inta laga dhameystirayo habraaca hirgelinta qaadashada Shahaadada yellow Fever iyo qaadashada Tallaalada lagama maarmaanka u ah Musaafuriinta Soomaaliyeed.
sidaasi darteed, Wasiirku waxa uu farayaa dhammaan xarumaha bixiya Tallaalka in ay si buuxda ugu hoggaansamaan amarkan.
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an hirgelinta hannaan Caafimaad oo dhameystiran, muwaadiniinta Soomaaliyeedna u fududeynaya Safaradooda iyagoo heysta shahaado Caafimaad oo la aqoon sanyahay.