Allbanaadir.com
NEWS

Jubbaland oo Maxkamad soo taagtay rag & haween lagu eedeeyey..

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Jubbaland ayaa Maanta u fariisatay dhageysiga Kiis ay eedeysanayaal ka yihiin Jamaal Cabdi Maxamed, Maxamed Cabdi Cabdulaahi baajuuni, Maxamed faarax Cabdi, Ugaas sacad saciid iyo Nimco Cabdirisaaq Maxamed oo dhamaantood Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Jubbaland uu kusoo eedeeyay inay la shaqeeyaan Kooxda Al shabaab.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa furay Fadhiga Maxkamada asagoo Faahfaahiyay eedaha loo heysto 5-ta eedeysane oo mid kamid ah ay tahay Dumar.

Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland Gaashaanle dhexe Ismaaciil Cabdi Cali ayaa Maxkamada ka hor aqriyay kiisaska ay ku eedeysan yihiin Jamaal Cabdi Maxamed, Maxamed Cabdi Cabdulaahi baajuuni, Maxamed faarax Cabdi, Ugaas sacad saciid iyo Nimco Cabdirisaaq Maxamed oo ah la shaqeynta Kooxda Al-Shabaab oo qeyb ay ka tahay inay u gudbin jireen Xogaha, sida ay ogaadeen Xafiiska Dambi baarista iyo Ciidamada qaaska ah ee Jubbaland oo iska kaashaday baarista kiisaskaan.

Intaas kadib, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Jubbaland, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim, ayaa eedeysanayaasha weydiiyay kiiska uu kusoo oogay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland waxa ay ka qabaan.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowlada jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa soo xiray fadhiga Maxkamadda, isagoo sheegay in Maxkamaddu ay dib ka soo sheegi doonta Xiliga la iskugu imaanayaao Fadhiga kale ee Kiisaskaan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Dhuusomareeb iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Hanti dhawrka Qaranka oo soo bandhigay lacago la lunsaday xiligii RW Khayre (Akhriso)

Caydiid Ali

Farmaajo oo xiriir la sameeyey RW Rooble & Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo isdhiibay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---