Koox hubeysan oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa afduubtay shan madax-xaafadeed kuwaasoo ku socdaalayay inta u dhaxaysa Ceelwaaq iyo Mandheera, xilli ay ku guda jireen kormeer howlo ay dowladdu ka fulisay degmooyin ka tirsan Mandhera.
Taliyaha ciidanka booliska degmada dhacda koonfurta Ismaamulka Mandheera, Mudane Julius Njeru, ayaa xaqiijiyay afduubkan.
Saraakiishan ayaa ka soo ambabaxay deegaanka Ceel-Gaduud, kuna sii jeeday magaalada Ceelwaaq ka hor intii aan afduubka loo geysan, sida uu sheegay Mudane Njeru.
Ciidanka amniga ee Ismaamulka Mandheera ayaa la geliyay heegan sare, iyadoo haatan uu socdo baadi goob ballaaran oo loogu jiro samatabixinta saraakiishan ka tirsan wasaaradda amniga Kenya.
Kooxda Al-Shabaab ayaa warbaahinteeda ku sheegatay afduubka shan mas’uul oo ka tirsan maamulka Mandheera.
Guddoomiyaha Ismaamulka Mandheera, Mudane Maxamed Aadan Khaliif, ayaa si kulul u cambaareeyay falkan, wuxuuna ka codsaday saraakiisha ammaanka inay dadaal dheeri ah muujiyaan, si sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo samata bixiyaan madax-xaafadeedka la afduubtay.
Dhacdadan afduubka ah ee ka dhacday Ismaamulka Mandheera ayaa ku soo beegmaysa iyadoo la filayo in maalmaha soo socda uu socdaal ku gaari doono halkaas madaxweynaha Kenya, Dr. William Arap Samoei Ruto.