Allbanaadir.com
NEWS

Midowga Yurub oo digniin culus u diray Madaxweyne Trump

Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub oo Isniinta maanta ah ku kulansan Brussels ayaa uga digay Mareykanka in aysan jirin cid ka faa’iidaysa dagaal ganacsi, iyagoo ku celceliyay in ay qaadi doonaan tallaabooyin aargoosi ah haddii Madaxweyne Donald Trump uu ku soo rogo tacriif ama canshuur.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay in Midowga Yurub ay tahay inuu muujiyo cududdiisa haddii Madaxweyne Donald Trump uu fuliyo gooddintiisa ah inuu Midowga Yurub ku beegsado canshuuro isdaba joog ah.

“Haddii weerar nalagu soo qaado dhanka ganacsiga, Yurub – oo ah quwad dhab ah – waa inay is difaacdo,” ayuu yiri Macron.

Hoggaamiyeyaasha 27-ka dal ee xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa kulan gaar ah ku leh caasimadda Belgium, iyagoo ay weheliyeen Ra’iisul Wasaaraha Britain iyo madaxa NATO, si ay uga arrinsadaan dadaallada lagu xoojinayo difaaca Yurub iyadoo ay jirto khatar kaga imaanaysa Ruushka oo muujinaya gardarro aad u badan – isla markaana uu Madaxweyne Trump dalbanayo in xulafada Mareykanka ay kordhiyaan kharashka ay ku bixiyaan dhanka difaaca.

Hase yeeshee, wadahadallada waxaa hareeyey go’aankii uu hoggaamiyaha Mareykanka uu canshuuro kusoo rogay dalalka Canada, Mexico iyo Shiinaha – iyadoo Trump uu ku hanjabay inuu Midowga Yurub bartilmaameedsan doono mustaqbalka.

Ra’iisul Wasaaraha Poland, Donald Tusk, oo dalkiisu hadda hayo madaxtinimada wareegta ah ee Midowga Yurub, ayaa sheegay in wax walba la sameeyo si looga baaqsado dagaal ganacsi oo “aan loo baahnayn oo nacasnimo ah.”

Trump ma uusan qarsan colaadda uu u qabo Midowga Yurub, wuxuuna ku eedeeyay inay Mareykanka ula dhaqmeen si “aad iyo aad u caddaalad darro ah” dhanka ganacsiga.

Kaddib markii uu canshuuro dheeri ah kusoo rogay dalalka deriska la ah ee Waqooyiga Ameerika iyo Shiinaha, Trump ayaa sii laba-laabay Axaddii, isagoo sheegay inuu “dhab ahaan” qorsheynayo inuu mustaqbalka beegsado Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka, Olaf Scholz, ayaa sheegay in muran ganacsi uu “u xun yahay Mareykanka, u xun yahay Yurub”, ayna “iskaashiga” ka dhexeeya labada dhinac ee badweynta Atlaantigga uu dan u yahay labada dhinacba.

“Annaguna waa ka jawaabi karnaa,” ayuu raaciyay hadalkiisa, isagoo meesha ka saaray hab-dhaqankii taxaddarka badnaa ee Jarmalka ee ku aaddanaa xiriirka ganacsi ee labada dhinac ee badweynta Atlaantigga.

“Waxaan u baahanahay Mareykanka, Mareykankuna wuu noo baahan yahay,” ayay tiri diblomaasiga ugu sarreysa Midowga Yurub, Kaja Kallas, iyadoo ku dartay “ma jirto cid ku guuleysanaysa dagaallada ganacsiga.”

Axaddii, Guddiga Yurub ayaa sheegay inay “si adag” uga jawaabi doonaan haddii Trump uu beegsado, waxayna cambaareeyeen tallaabooyinkiisa ka dhanka ah Canada, Mexico iyo Shiinaha.

“Canshuuraha waxay abuuraan carqalad dhaqaale oo aan loo baahnayn, waxayna sare u qaadaan sicir bararka. Waxay dhibaato u geystaan dhammaan dhinacyada,” ayuu yiri afhayeen u hadlay guddiga.

Ilaa waqtigaas, Brussels waxay sheegeysay inay rajeyneyso inay ka baaqsan doonto isku dhac dhanka ganacsiga ah oo lala galo Trump iyadoo la adeegsanayo wadahadal.

Kaddib, Madaxa Golaha Yurub, Antonio Costa, ayaa khadka taleefanka habeenkii kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Canada, Justin Trudeau.

“Labada hoggaamiye waxay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda uu leeyahay xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Midowga Yurub iyo Canada, waxayna xaqiijiyeen go’aankooda ah inay sii wadaan wada shaqeynta,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Midowga Yurub.

Tan iyo markii Trump dib la doortay bishii November, Brussels waxay ka shaqeyneysay sidii loo kala duwi lahaa iskaashiyada ganacsi, iyadoo toddobaadyadii la soo dhaafay ku dhawaaqday heshiis ganacsi oo la xoojiyay oo lala galay Mexico iyo dib u bilaabidda wadahadallada ku saabsan heshiis ganacsi xor ah oo lala galayo Malaysia.

Sannadkii 2018-kii, xilligii muddo xileedkiisii hore, Trump wuxuu canshuuro saaray dhoofinta birta iyo aluminiumka ee Yurub – taasoo keentay in Midowga Yurub uu kaga jawaabo canshuuro ka sarreeya.

Xigasho: VOA

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre ma aqbali doonaa Xil ka qaadista lagu sameeyay ? (Warbixin)

Cabdi Cade

Isbitaalka Dalmar oo daahfuray Sheybaarka casriga ah ee Ilkaha

Caydiid Ali

Maxkamada G/Banaadir oo bilowday dhegeysiga dacwad loo heysto dad ajnabi ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---