Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal sare oo kasoo goostay Daacish oo isku soo dhiibay Ciidanka Puntland

Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Siciid (Laahoor) oo ka tirsanaa kooxda Daacish ayaa maanta isu dhiibay ciidamada Puntland, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta degmada Qandala ee gobolka Bari.

Laahoor oo ka soo baxsaday mileeshiyaadka Daacish ayaa isu dhiibay ururka Gantaal ee Ciidamada Daraawiishta Puntland oo ku sugayay degaanka Unuun ee degmada Qandala, waxaana loo sii gudbiyay magaalada Qandala.

Cabdiraxmaan Shirwac Laahoor oo loo haysto in uu madax u ahaa shabakad argagixiso oo marar kala duwan magaca Al-shabaab iyo Daacish ku fuliyay dilal madax-jebis ah ayay Puntland dil ku xukuntay isaga oo maqane ah bishii Juun ee sannadkii 2022.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa 21 Juun 2022 dil toogasho ah ku xukuntay Laahoor oo maqane ah kaddib markii sida Maxkamaddu sheegtay lagu helay in uu horjooge u ahaa shabakad argagixiso oo dilal madax-jebis ah fulisay.

Balse, Laahoor oo maalin kaddib wareysi bixiyay ayaa dafiray in uu ka tirsan yahay kooxaha Argagixisada ah, islamarkaana uu madax u ahaa shabakad qaabilsanayd dilalka madax-jebiska ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xubno cusub oo kusoo biiray Shirka Muqdisho iyo Qodobada qaar oo la isku hayo

Cabdi Cade

Maxaa kasoo kordhay Weerarka Al Shabaab ku qaadeen Hotel kuyaala Nairobi ?

Cabdi Cade

Wariye Caan ah oo geeriyooday isaga oo tabinayay Ciyaartii Argentina iyo Holland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---