Allbanaadir.com
NEWS

DFS oo la timid farsamo lacag looga cunayo rakaabka dibadda u baxa iyo khilaaf…

Dowladda Soomaaliya ayaa la timid qorshe cusub oo lacag looga sameenayo dadka shacabka ah ee doonaya in dalka dibadiisa u safraan, iyadoona dadka xujo looga dhigayo in ay sameestaan warqad caafimaad marka ay dhoofayaan.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya , ayaa soo rogtay in dadka rakaabka ah ee doonaya in dalka ka dhoofaan ama kasoo degaan laga rabo in ay qaataan tallaal, kaas oo lacag looga qaadayo rakaabka doonaya lana siinayo warqad caafimaad .

Wasaaradda ayaa soo rogtay in qofka dhoofaya iyo kuwa soo degaya laga rabo tallaalka ka hortagga duumada (Yellow Fever) ,tallaalka dabaysha (Oral Poliomyelitis Vaccine) iyo sidoo kale tallaalka qaaxada maskaxda (Quadrevalent Neisseria Meningitis Vaccine) .

Rakaab badan oo maanta doonayay in ay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa lagu amray in ay qaataan tallaalka dowladda soo rogtay ayna bixiyaan lacag ku dhaw 50-dollar , taas oo ay si weyn dadka uga horyimaadeen.

Duullimaadka diyaaradaha qaadayay rakaabka ayey saameyn xooggan ku yeelatay amarkan dowladda kasoo baxay , waxaana saacado dib u dhac ku yimid waqtigii loo qorsheeyay in ay baxaan rakaabkii usii jeeday qaar kamid ah dalalka caalamka.

Khilaaf ayaa lasoo sheegayaa in uu arrintan ka dhax abuuray dowladda dhaxdeeda gaar ahaan masuuliyiinta Wasaaradda Caafinmaadka oo ku kala aragti duwan amarkan dadka lagu qasbato in ay qaataan tallaalka iyo sidoo kale lacagta tiraxda badan ee laga qaadayo rakaabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Guudlaawe oo guddoomiyay shir arrin Muhiim ah looga hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlad Shaqaalaheeda ku amartay in ay sameeyaan jimicsi oo dhimaan miisaankooda !

Cabdi Cade

Erdogan: “Xamaas ma’aha argagixiso ee waa koox xornimo doon ah”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---