Allbanaadir.com
NEWS

Sawirro” Safiirka Falastiin u qaabilsan Soomaaliya oo Muqdisho yimid lana kulmay…

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee dowladda Falastiin usoo magacowday Soomaaliya Danjire Rowaid Adil Mohamed.

Sheekh Aadan Madoobe oo kulan gaar ah la qaatay safiirka Falastiin u qaabilsan Soomaaliya , ayaa waxa uu kala  hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada wadan iyo sidii looga shaqeyn lahaa isku soo dhawaanshaha labada dal.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa waxa uu safiirka kusoo dhoweeyay dalka, sidoo kalena waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda ay diyaar u yihiin garab istaaga walaalaha Falastiin.

Falastiin waxaa dowlad rasmi ah u aqoonsan qaar kamid ah waddamada caalamka, waxa ayna Soomaaliya kamid tahay dalalka Falastiin u aqoonsan dal madaxbannaan, waxa ayna dadka Soomaaliyeed dhaqaalo badan ku taageereen walaalaha Falastiin ee xasuuqa ku hayaan Israaíil, gaar ahaan reer Gaza.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Saciid Deni iyo C/raxmaan C/Shakuur?

Caydiid Ali

Wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo wax badan ka duwanaan doona kuwii hore

Cabdi Cade

(Akhriso) Shan caqabadood oo ku hor gudban safarka Raisul Wasaare Khayre ku joogo Itoobiya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---