Allbanaadir.com
NEWS

Xubno katirsan Al Shabaab oo la dilay iyo mid nolosha lagu qabtay

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loogu tala galay la-dagaallanka argagaxisada , ayaa howlgal gaar ah ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo waxa ay ku dileen xubno katirsanaa Al Shabaab , kaddib markiiĀ  loogu tagay guri ay ku sugnaayeen.

Warbaahinta maamulka Jubbaland . ayaa baahisay in ciidamada oo kudaba jiray saddex nin oo katirsanaa kooxda madaxjabiska ee Al Shabaab ay tageen guriga kuyaall magaalada Kismaayo halkaas oo ay ku dileen labo nin oo kamid ahaa raggii ay ciidamada raadinayeen, halka mid kalana nolosha lagu qabtay.

Saraakiisha ciidamada maamulka Jubbaland ee hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in raggan la toogtay iyo midka la qabtay ay qorsheenayeen in magaalada Kismaayo ka fuliyaan falal dil ah ayna ciidamada heleen xogta raggan kana hortageen.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyay muddooyinkii lasoo dhaafay, waxaana aad u yar falalka amnidarro sida dilalka madaxjabiska iyo qaraxyada , waxaana la sheegay in ciidamada Jubbaland heegan ugu jiraan kahortagga falalka ammaandarro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xarakada Al-Shabaab oo War ka soo saartay qaraxii ay la beegsatay Xildhibaan Carabow

Caydiid Ali

Ciidanka NISA oo Muqdisho ku dilay sargaal katirsanaa ciidanka Booliiska

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Duqa Muqdisho oo shaaciyey tirada dadka ku dhintay & guryaha ku burburay Roobabka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---