Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Cirro oo kormeeray Suuqa Idaacada oo xalay gubtay

Dab xooggan oo geestay khasaaro badan oo hantiyadeed ayaa xalay qabsaday suuqa Idaacadda ee kuyaalla magaalada Hargeysa, waxaana saacado badan uu dabka socday kaddib lagu guuleestay in dabkaasi la damiyo inta uusan ku faafin xarumo dowladeed oo suuqa ku dhaw.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, Wasiirro katirsan maamulka Somaliland iyo masuuliyiin kale , ayaa saakay kormeer ku tagay suuqa Idaacadda oo xalay ka kacay dab xooggan oo khasaaro kasoo gaaray ganacsato badan.

Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlay dhibaatada ka dhalatay suuqa gubtay ayaa uga tacsiyadeeyay dadkii ku hanti beelay, waxa uuna ilaahey dadkaasi uga baryay in uu siiyo baddel kheyr leh, waxa uuna ballanqaaday in maamulkiisa ay garab taagan tahay dadkii xalay hanti beelay.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sheegay in maamulkiisa ku dedaalayo sidii xal loogu heli dabka inta badan qabsada suuqayada Hargeysa, waxa uuna xusay in ay soo dhaweenayaan cid kasta oo gacan siineysa ganacsatadii xalay ku hanti beelay dabkii suuqa Idaacadda.

Suuqan xalay gubtay ayaa ah kan labaad ee ugu weyn magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somliland, waxaana suuqaan la sheegay inta badan in ay ku ganasan jireen dad u badan danyar , kuwaa oo nolol maalmeedkooda ka raadsan jiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Mugdi soo wajahay heshiiskii DP Word ee dekeda Boosaaso & Deni oo ka hadlay

Caydiid Ali

Aaden Barre Ducaale oo si kulul uga hadlay khilaafka Maamul goboleedyada & dowlada dhexe

Caydiid Ali

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka dowlada Iran oo la ildaran cudurka Coronavirus

Caydiid Ali
Taboola Ads ---