Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo magacaabis cusub sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalla Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Mudane Ismaaciil Siciid Aw-muuse mareeye ku-xigeenka Dekadda Xamar, kadib soo-jeedintii Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda.

Xamse Cabdi Barre, ayaa la sheegay masuulkan cusub uu xilka u magacaabay in ay aad isugu dhawaayeen, waxa uuna kasoo jeedaa Mudane Ismaaciil Siciid Aw-muuse mareeye ku-xigeenka Dekadda Xamar deegaannada maamulka Puntland.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xanse Cabdi Barre, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay sameenayay magacaabis, waxa uuna xilal ka safay xubno aad ugu dhaw dhaw ay ku jiraan kuwa kasoo jeeda deegaannada Jubbaland iyo Puntland.

Magacaabista maareeye kuxigeenka dekadda Muqdisho, ayaa la sheegay in ay qayb ka tahay  qorshaha dardargelinta iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee dekadaha dalka kuyaalla, si waafaqsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Shabaab ma si dadban ayay u maamulaan Magaalada Muqdisho? (Daawo Video)

admin

Guddiga Qaran ee ka hortagga COVID-19 oo kulan iskugu yimid & Khayre oo ka qeyb galay

Caydiid Ali

War Saxaafadeed kasoo baxay ururka Booliiska Soomaalida Mareykanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---