Dowladda Ruushka oo xiriir baaxadweyn la lahaa dowladdii la riday ee Suuriya uu hoggaaminayay Bishaar Al-assad , ayaa hadda doonaya in uu dib usoo celiyo xiriirka kala dhaxeeya dowladda cusub uu hoggaamiyo Axmed Al Sharaa.
La-taliyaha sare ee siyaasadda bariga dhexe ee dawladda Ruushka, Vitaly Naumkin , ayaa sheegay in dowladiisa diyaar u yahay in xiriir dhaw la yeelato dowladda cusub ee Suuriya ayna ka taageeraan dhinacyo kala duwan.
Vitaly Naumkin , ayaa sheegay in diyaar u yahay inay ka caawiyaan dawladda cusub ee Suuriya dib u dhiska dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada dawladda oo ay ku jirto in dib u habeyn lagu sameeyo kaabayaasha oo ay weheliso inuu Ruushka qalabeeyo militariga Suuriya ee ay dib u dhiseyso dawladda uu hoggaamiyo .
Dowladda Ruushka ayaa dooneysa in ay sii jirto saameyntiisa gudaha Suuriya in ay sii joogaan saldhigyadooda milatari, waxa ayna Ruushka doonayaan in xiriir lamid ah tii dowladii hore la yeeshaan dowladda Ruushka.
Nidaamka cusub ee la wareegay talada dalka Suuriya, ayaa doonaya in ay xiriiro la sameeyaan dowladaha caalamka, waxaana kamid ah dowladaha wadahadalada la fureen Ruushka oo Wasiirkooda arrimaha Dibadda uu tagay magaalada Dimishiq.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com