Allbanaadir.com
NEWS

Xisbiyadda Siyaadadda Puntland oo War-saxaafadeed wadajir ah soo saaray

Dhammaan xisbiyada siyaasadda ee ka jira Puntland oo warsaxaafadeed wadajir ah soo saaray ayaa mucaarid iyo muxaafidba taageeray dagaalka Argagixisada looga saarayo buuraha Cal-miskaad.

Warsaxaafadeedka Xisbiyada siyaasadda Puntland ee kala ah; Mideeye, Sincad, Kaah, Mustaqbal, Horseed, Ifiye, Shaqaalaha iyo Runcad ayaa lagu taageeray hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish (ISIS) ee ku dhuumalaysanaysa buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Xisbiyada Siyaasadda ayaa sidoo kale bogaadiyay ciidamada Puntland ee guulaha waaweyn ka gaaray dagaalka Argagixisada, islamarkaana ka saaray saldhiyo badan oo ku yaalla buuraha Cal-miskaad, halkaasi oo weli ciidamadu ku raad-joogaan firxadka mileeshiyaadka Daacish.

Xisbiyaddu waxay sidoo kale u mahad celiyeen saaxiibada Caalamiga ah ee Puntland ka caawinaya hawlgalka, gaar ahaan dowladaha Mareykanka iyo Imaaraadka oo ka qeyb qaatay duqeymaha xagga cirka ah ee lagu bartilmaameedsaday Argagixisada Daacish.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen shacabka Puntland iyo taageerayaashooda in ay garab istaagaan ciidanka iyo dowlada Puntland, si loo dhammaystiro guusha laga gaaray kooxaha Daacish oo weli ku dhuumanaya buuraha, inkastoo laga saaray saldhigyo muhiim ah.

Related posts

Axmed Madoobe oo safar 24 saac qaatay ka dib ku soo laabay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Shiikh Shariif oo ka hadlay go’aankii Midowga Afrika ka qaatay Muddo kororsiga

Caydiid Ali

Israel oo duqeysay iskuul ay leedahay Q/Midoobay & gaadiid ambalaas ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---