Allbanaadir.com
NEWS

Somalia & Turkiga oo kala saxiixday heshiis cusub (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee XFS Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyey wafdi ka socda Dowladda Turkiga kuwaas oo u yimid dalka sidii ay Maalgashi ugu samayn lahaayeen Kalluumesiga iyo Kheyraadka Badda.

Wasiirka iyo waftiga ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad ah, (Fisheries Cooperation Agreement, MoU) kaas horseedaya in Kalluunka dalka ay kasoo xarooto Balaayiin doolar, islamarkaana hirgalin doona fursado wax ku ool ah oo lagu horumarinayo Kalluumeysiga guud ahaan dalka.

Tallaabadani ayaa gimid kaddib markii ay Wasaaradda Kalluumeysigu dibu habayn ku samaysay sharciga kalluumeysiga dalka, iyo dhammaan xeerarkii sahlayey in maalgashi lagu sameeyo kheyraadka badda, waxaana muuqata in daneeyeyaal badan ay diyaar u yihiin Maalgashiga Kalluunka Soomaaliya oo ay Dowladda Turkiga ugu horeyso.

Soomaaliya Baddeeda waxaa loo aqoonsan yahay inay tahay biyaha ugu khayraadka badan ee galbeedka badweynta hindiya, sidaa darteed haddii si wanaagsan loo maalgeliyo Soomaaliya waxay kaalinta hore ka gali kartaa wax soosaarka kalluunka caalamka.

Related posts

Xog cusub oo laga helay Weerar saaka lagu dilay Masuuliyiin ka tirsan Sh/dhexe

admin

Macalinkii lagu dilay Muqdisho oo maanta la aasay xilli aan lasoo qaban ninkii dilay

Cabdi Cade

Dad loo heesto Weerarkii Nairobi oo Maxkamad kasoo muuqday (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---