Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu yahay Mashruuca weyn ee uu dhagax dhigay RW Xamse?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in hirgelinta Hoteelka iyo Moolka casriga ah ee uu maanta dhagax-dhigay uu tusaale u yahay soo kabashada dalka, isla markaana la gaaray waqtigii dalkeenna la maalgashan lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in mashruucan uu ahmiyad weyn u leeyahay bulshada, gaar ahaan ganacsatada Soomaaliyeed ee ku fooggan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Waxa uuna xusay in Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee (NTP) ay kamid yihiin hirgalinta maalgashiga, fududeynta howlaha ganacsiga, iyada oo dowladdu sameysay Shuruucdii loo mari lahaa horumarinta dhinacyda faa’iiddada u leh dalka iyo dadka.
“Waxaa farxad ii ah in aaan maanta joogno dhagax-dhigga mashruuc weyn oo muhiimad gaar ah u leh bulshada, gaar ahaan horumarinta dhaqaale, shaqo abuurka iyo bilic soo celinta caasimadda, lana jaanqaadaya suuqyada adduunka, tan oo ah tallaabo wax-ku ool ah in shirkadaha caalamiga ah ay maalgashi ku sameeyaan dalkeenna”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey doorka ganacsatada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin koboca dhaqaalaha iyo maalgashiyada kala duwan ee dalkeenna u horseedaya horumarka, isaga oo dhiirigeliyey in laga faa’iideysto fursadaha maalgashi ee dalkeena ka jira, kuwaas oo horseedyada in dalku uu gaaro isku filnaansho dhan walba ah.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Musharaxiin ka qeylo dhaamiyey faragelinta dowlada oo baaq u diray beesha caalamka (Akhriso)

Caydiid Ali

Meydka Wasiir Khadiija Diiriye oo la keenay Muqdisho iyo R/Wasaare Xamse oo lasocda

Cabdi Cade

Gudoonka labada Aqal oo isku dhegan & Xasan Sheekh oo garab siiyay Gudoomiye C/Xaashi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---