Wasaaradda Caafimaadka Sudan ayaa Sabtidi sheegtay, in ugu yaraan 54 qof lagu dilay 158 kalana ay dhaawacmeen, kaddib marki fallaagada RSF ay madaafiic ku garaaceen suuq ku yaalla magaalada Omdurman.
Bayaan kasoo baxay RSF ayaa lagu beeniyay warka kasoo baxay Wasaaradda, isla markaana duqeynta ku eedeysay ciidanka qalabka sida ee Sudan.
Dhinacyada ku dagaallamaya dalka Sudan ayaa dhowr jeer lagu eedeeyay in ay bartilmaameedsadeen goobaha ay ku badanyihiin dadka rayidka ah, tan iyo marki uu dagaalka sokeeye billowday bishi April 2023.
Colaadda Sudan ayaa waxaa ku barakacay malaayiin qof halka kumannaan kalana ay qaxooti ku noqdeen dalal shisheeye oo u badan deriska.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in kala bar shacabka Sudan ay gaajo la seexdaan, halka boqollaal kun oo carruur ahna ay la liitaan nafaqo darri.