Allbanaadir.com
NEWS

Labada hogaamiye ee ugu da’da yar Carabta oo kulmaya

Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Sharac ayaa booqashadii u horreysay ee dibadda maanta ku tagaya dalka boqortooyadda Sacuudiga, sida ay sheegtay Al Arabiya.

Labada hoggaamiye ayaa ah kuwa ugu da’da yar madaxda dalalka Carabta

Labaduba waxay ku dhasheen magaalada Riyaad ee caasimadda boqortooyada Sacuudi Carabiya, da’ ahaan sedex sano ayaa u dhaxeysa.

Waxay ka wada hadlayaan arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal iyo sidii Sacuudigu uga qeyb qaadan lahaa dib u dhiska dalka Siiriya oo ku burburay dagaaladii dalkaas ka socday sanadaha badan.

Dhinaca kale, Ciidanka Israa’iil ee ku sugan gudaha koonfur-galbeed Suuriya ayaa markii u horreysay shalay la kulmay iska caabin, kaddib markii ay rasaas ku fureen goob ay joogeen ciidanka Israa’iil  koox aan la aqoonsan, illaa markii dambe ay soo baxday koox isku magacawday “Jabhada iska caabinta Islaamka ee Suuriya” oo leh calaamad iyo magac la mid ah kooxaha kale ee Iran ay taageerto ee Ciraaq iyo Lubnaan oo sheegatay mas’uuliyada weerarka.

Ma jirto wax khasaare oo ay sheegteen ciidanka Israa’iil inay kala kulmeen weerarkaa.

Related posts

Khayre oo amar ka soo saaray xil ka qaadista agaasimeyaasha Wasaaradaha (Akhriso)

Caydiid Ali

Cutubyo ka tirsan Kumandoska Gorgor oo tababar loo soo xiray (Sawirro)

Caydiid Ali

Amaanka Muqdisho oo faraha kasii baxaya iyo cabsida oo korortay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---