Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo ka hadlay howlgalkii Mareyanku ka fuliyey Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay hawlgalka dayuuradaha Marerykanku ku beegsadeen saldhigyo iyo godad ay ku jireen kooxda Daacish oo ku yaalla gobolka Bari

“Hawlgalkan lagu beegsaday hoggaanka sare ee ISIS waxa uu muujinayaa iskaashiga adag ee Mareykanka iyo Soomaaliya ee la dagaalanka argagixisada, taasoo gacan ka geysanaysa ciribtirka halis kasta oo wax u dhimaysa xasilloonida dalkeenna iyo gobolka guud ahaan, waxaan si qoto dheer ugu mahad celinaynaa dowladda Mareykanka”

Madaxweyne Xasan ayaa lagu wargeliyay duqeynta Mareykanka uu fiidnimadii caawa la beegsaday hoggaanka sare ee Daacish ee ku sugan waqooyi bari Soomaaliya sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia

Waxaa uu qiray taageerada hagar la’aanta ah ee Maraykanku uu ka gaysto la dagaallanka argagixisada caalamiga ah isagoo soo dhaweeyay ballanqaadka joogtada ah ee Mareykanka.

“Soomaaliya waxay weli ku adkaysanaysaa inay la shaqeyso xulafadeeda si meesha looga saaro argagixisada caalamiga ah iyo xaqiijinta xasiloonida gobolka” ayuu yiri madaxweynaha Somalia

 

Related posts

Arday Shahaadada Masterka ka qaatay Jaamacada Stafort oo Muqdisho Munaasabad loogu qabtay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo ka biyo diiday qorshe ay ula tageen Laftagareen iyo Qoorqoor

Cabdi Cade

Somaliland oo saldhig milatari Mareykanka ka siineysa Berbera si ay …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---