Waxaa farxad iyo raynrayn leh mar haddii ay dalkeena dib uga curanayaan doorashooyin ay dadku ku soo dooranayaan madaxdooda, waxeyna taas ka turjumeysaa awooda dowladnimada oo dib loogu celiyo gacmaha dadweynaha, taas oo meesha ka saareysa doorashadii ku saleysneyd odeyaasha dhaqanka iyo ururadii salka ku hayey heybta qabiilka ama koox diimeedka, kuwaas oo la haray horumarinta dimoqaradiyeynta maamulka dowladda, sidoo kalana hareer marsanaa ismaamulkeeda ku dhisan sharciyada codadka dadweynaha oo ah mid saxda ah oo waafaqsan madaxbanaanida dal jamhuuriyada oo madaxdeeda ay dadku si xora ay uga soo dhex doortaan qeybaha kala duwan ee shacabka, kuwaas oo bulshooyinka kala duwan ku matelaya masiirkooda siyaasadeed iyo horumarinta aayahooda mustaqbalka oo horseedaya nolol tayo leh oo lagu negaado.
Waxey doorashada dadweynaha ay argagax gelineysaa kuwii ku tacab belay dhismaha siyaasad doorasho oo ay hogaanka u hayaan dano shisheeye iyo hayado caalamiya oo danahooda ku maalgelinaya siyaasiyiin ay hadba kii ay doonaan soo caleemo saartaan, waxeyna hayadahaas shisheeye ay awoodooda maliyadeed ku doonayaan iney ku buuxiyaan doorkii looga baahnaa wadaniyiinta dalka shacabkooda ah, waxaana iskaashigaas ku midoobey dhagar qabayaal siyaasadeed oo dalka horay uga galay dembiyo ay ugu adeegayeen danaha shisheeyaha iyo xulafooyin shisheeye oo ay ka dhex muuqdaan danaha deriska iyo kuwa daris xigeenka ah, kuwaas oo Carab, Afrikan, iyo cadaanba leh, waxeyna xulafadaas ay maanta indhahoodu la ilmeynayaan in shacabka Soomaaliyeed uu dareemay kuwa maslaxadooda u daran.
Waxaa in loo hambalyeeyo ama la bogaadiyo mudan urur siyaasadeedkii kowaad oo ka dhex curtay ururo gaaraya labaatameeyo oo la magac baxay: Midowga Dimoqaradiyada Dadka (MDD), kuwaas oo Mudane Ali Nuux Timojilic u doortay gudoomiyahooda, isagoo xilkaas ku muteystay halgan aan joogsi lahay oo uu ugu jirey 34 sano in dalka Soomaaliya ay ka dhacaan doorashooyin loogu tartamayo fikrado ku dhisan aragtiyo xisbiyo siyaasadeed, waxeyna ururadaas midoobey ay ka guureen afkaarahoodii ku dhisnaa, deegaan, qabiil, koox diimeed, iyo xagjirnimo wadaniyadeed, waxeyna horseedeen iney garab iyo gaashaan u noqdaan dowladda Soomaaliya sidii ay dalka uga hirgelin lahayd doorasho taariikhiya oo ku dhacda hanaan ku dhisan qof iyo cod oo ay dadweynuhu meel kasta oo ay dalka ka joogaan ay si xora oo xalaala ugu qabsadaan tartan ay dadweynuhu codbixiyeyaal ka yihiin.
Waxaan shaki lahayn wax kasta oo loo dadaalo, loona hagar baxo in lagu guuleysanayo meelmarintooda, waxaana sidoo kale midaas barbar socota in wax kasta oo dalkaan u wanaagsan ay jiraan dad, koox, iyo ajnebi ay dhibeyso, waxaana dadweynaha xasuus lama hilmaamaana ugu filan in markii gobonimada loo halgamayeey oo weliba dhiiga gobonimadoonka Soomaaliyeed isagoo qoyan uu ku daadsanaa dhamaan dalka Soomaaliya deegaanadooda oo dhan, iney jireen dad soomaaliyeed oo kooxeysanaya hiilada isticmaarka shisheeye, iney ka soo horjeedeen in shacabka Soomaaliyeed la siiyo gobonimada iyo madaxbanaanida ay ku noqonayaan dal xora oo ka tirsan wadamada caalamka, waxaana taas la mida kuwa hadda ka soo horjeeda in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo coda, iyagoo taas ku mucaaradaya madaxweynaha iyo kooxdiisa siyaasadeed oo ay u arkayaan iney tilaabadaas ay siiso libin siyaasadeed, waxeyna kooxahaas ay ka wada tirsan yihiin kuwii dalkaan u horseeday in dowladnimada lagu saleeyo 4.5; in dalka duulaankii Tigreyga iyo dastuurka ay keeneyn in dalka lagu xukumo; iney horseedeen iney dalka soo geliyaan xukun kooxdiimeeda oo ajaanib Carbeed ay kor ka maamulaan; iyo ugu dambeys in dalka ay ka taliyaan shisheeyaha degen Xerada Xalane.
Siyaasyiinta aragtidoodu fog tahay waxey mar kasta mudnaanta siiyaan maslaxada ummadda Soomaaliyeed wixii danaheeda u horseedaya isbedel lagu hormarinayo xasilinta iyo degenaashaha siyaasadeed ee dowladnimada dalka, waxeyna mar kasta ay ka fogaadaan aragtiyada ku saleysan naceybka ee ku dhisan ficiltanka dhowaan araga ah, kuwaas oo ku saleysan in maslaxadda ummadda danaheeda loo burburiyo dano shisheeye iyo ka soo horjeedka ku saleysan shaqsiyadda hogaamineysa dalka oo ay ka waayeen maslaxadooda gaarka ah, iyagoo indhaha ku haya maslaxadaha shaqsiyadeed oo sida gaarka ah ay u helayaan madaxda dowladda hogaamineysa, waxeyna ahayd taas bedelkeeda in dowladda lagala shaqeeyo horumarinta dimoqaradiyadda oo lagula tartamo codka dadweynaha, balse sida muuqata ay taas ka muujiyeen kalsoonidaro iyo hubanti la’aan ay ka qabaan iney tartan dimoqaradiya ay galaan oo ay dadweynaha hanaankaas ay cod uga raadsanayaan.
Waxaa la soo gaarey wakhtigii ay dadku sugayeen in la soo gaarey bisil siyaasadeed oo ah iney dadweynuhu codeeyaan, dowladuna ay soo gaartey isgoyskii ugu dambeeyey oo gadaal uga xiran dib ugu noqosho, sidaasna ay qasabtay in jidka keliya ee furan iney qaado uu yahay in horay loogu sii socdo mariinka u furan oo ah qabsoomida doorasho qof iyo coda, waxeyna tilaabadaas ay qaaday dowladda ay hididiilo weyn ku gelisey rajada shacabka Soomaaliyeed, waxeyna tilaabadaas ay xaqiijisay in madaxda dowladda hogaamineysa ay u cadahay in looga guuleysan karo doorashada ay dadweynaha u qabanayaan, balse ay tixgelinayaan rabitaanka shacabka cida ay soo doortaan, midaas bedelkeedana ay kooxahah ka soo horjeeda u dareereen dhinaca kale oo ah iney iyaguna soo gaareen wakhtigii ay saaxiibada caalamka u dacwoon lahayeen si ay gacan uga siiyaan in dib loo kala wareejiyo doorashada toosan oo dib loogu noqdo midii dadbaneyd, waxeyna tilaabadaas ay tilmaameysaa sida la isugu haleyn karo siyaasiyeen raba in go’aanka dowladnimada Soomaaliya dibeda laga hago, iyaguna ay ka noqdaan maqaarsaar loo adeegsado meelmarinta danaha shisheeyaha iyo iney ku hoos hayaan maslaxada ummada ka hoos marinta sareynta danta guud ee shisheeyaha.
Bulshada caalamka si kasta oo ay Daroono ugu hanjabto madaxda Soomaaliya oo ay ku abuurto cabsi gelin iyo cadaadis dhaqaale, waxaan shaki lahayn ineysan madaxda Soomaaliya aysan go’aanadeeda aysan dib uga noqoneyn hanjabaad kasta oo loo geysto awgeed iyo bartilmaameysi kasta oo lagu beegsado waxyeeleynta naftooda, waxaana qormeysa taariikh kala guura oo xoog iyo cabsi gelin aysan wax doora ku lahayn, waxaana sidoo kale gunaanad jooga in shisheeyaha iyo beesha caalamka ay mareyso marxaladii ugu dambeysey oo ay faraha kala bixi lahayeen arrimaha u gaarka ah Soomaaliya oo dhowaan ay meesha ka bixi doonto xaafiisyada shisheeye ee Soomaaliya ka taakuleynaya nabada iyo dhismaha dowladda, mar dhowna wixii ka dambeeya dadka Soomaaliyeed la isku madaxbaneynayo oo sharciga iyo qawaaniinta dalka ay ka sareynayaan faragelinta shisheeyaha uu ku hayo arrimaha guddaha dalka.
Waxaa sooyaalka soo jirey adduunka ay na bartay iney marka ugu dambeysa ay guuleysanayaan wadaniyiinta ay wax walba kala horeyso madaxbanaanida lagu wanaajinayo maslaxadda ummadda Soomaaliyeed, waxeyna hadda tijaabo ku socota Soomaaliya oo natiijadeeda la sii saadaalin karo guusha lagu gaarayo himilooyinkeeda fog, waxaana dhumaya nasiibdarada ku dhaceysa dadka u bartay in xukunka ay xoog ku yimideen oo haddana qiyaanay saaxiibadoodii, iyagoo danaha shisheeye uga hiiliyey danaha dadkooda, diintooda, dalkooda, iyo dowladnimadooda, balse hadda sida muuqata wixii ay u barteen helidooda u fakfakanaya oo ah iney xoogg ku dhisan maleeshiyaad qabiil ama koox diimeed iney ku hanjabayaan iney dowladnimada Soomaaliya ku duminayaanama ku afgembinayaan, iyagoo kaashanaya kuwii dulmiga diidmada kala horyimid dowladda dhexe, kuwaas oo deegaanadooda nidaamka qabyaalada maamulkooda ku xasiliyey, isla markaasna hab qabyaaladeysan uga soo horjeestey hogaanka dowladda dhexe, kuwaas oo aan dan iyo heelo aan midna ka lahayn mucaaradka ka jira Muqdisho, marka laga reebo iney doonayaan iney u adeegsadaan iney isku dhex jebiyaan.
Waxaan soo dhoweynayaa Xisbiga cusub ee Midowga Dimoqaradiyada Dadka (MDD) oo mowqifkoodu yahay dhexdhexaad aan ahayn mucaarad ama muxaafad, balse taageersan tilaabooyinka loo qaadayo in dalka Soomaaliya ay dib uga qabsoomaan doorashooyinkii dadweynaha oo ay dalka ugu dambeysey 1969, waxeyna aragti ahaan u soo jeedinayaan shacabka Soomaaliyeed iney si nabada u taageeraan in laga guuro doorashadii dadbanayd oo ku dhisneyd rabitaanka danaha shisheeyaha oo gacmaha kula jirey maamulida siyaasada Soomaaliya, taas bedelkeedana lagu qanco in loo guuro doorasho toosa oo ay dadku rabitaankooda ku dhiibanayaan codadkooda ay ku dhisanayaan ismaamul ay leedahay dowladnimo Soomaaliyeed oo ka madaxbanaa faragelin shisheeye, waxeyna manta Soomaaliya mar labaad ay mareysaa meeshii ay joogtey wakhtigii ay u halgameysey madaxbanaani iyo xoriyad ay ku maamulato dowladnimadeeda.
Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Saciidciise258@aol.com