Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha Ciidanka Milateriga Turkiga oo Muqdisho soo gaaray

Taliyaha ciidamada militariga Turkiga, S/Guud Metin Gurak, ayaa  soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa ku soo dhoweeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, iyo safiirka Turkiga u joogo Soomaaliya iyo  saraakiil kale.

Socdaalka General Metin Gurak, ayaa qeyb ka ah xoojinta iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Taliyaha Ciidamadda militry Turkiga General Metin Gurak, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa booqday dekeda Muqdisho oo uu ku sugnaa markab dagaal oo ciidamadda badda Turkiga leeyihiin iyo dugsiga Turksom ee lagu tababaro ciidanka xoogga dalka qeybo ka mid ah.

Related posts

Xildhibanada cusub ee Puntland oo la shaaciyay & 17 Xildhibaan ee dhulbahante oo ….

admin

Qaabkii loo qabtay loona dilay Hoggaamiyihii Liibiya Korneel Qadaafi oo xog laga bixiyay

Cabdi Cade

Somaliland oo qoraal xasaasi ah u dirtay beesha caalamka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---